Waxa Jeclaan Lahaa In Aan Tv-ga Noqdo!

0
448

Markasta waxay ahaayeen qoys is uu muranku ku badan yahay, werwer badan ayay ku abuureen caruurtooda iyo qoyska intiisa kale.

Markii ay Macalimadu ardayda u dirtay inay soo qoraan curis cinwaankiisu ahaa “ Maxaad jeceshahay inaad noqoto?”.

Arday kasta waxa uu qoray waxa uu jecelaan lahaa inuu noqdo. Macalimaddii markii ay ardaydu wada keentay waraaqihii  waxay bilawday inay akhrido. Waxaana ay ku bilowday Arday ay si gaar ah u rabtay inay ogaato fikirkiisa iyo waxa uu jecel yahay inuu noqdo, markii ay warqadiisa akhriyaysa ayay ilmaysay. Waxaana ay gurigeeda ku noqotay iyada oo werwersan.

Markii uu ninkeeddu usoo galay iyadoo wejigeedu bedelan yahay waxa uu weydiiyay waxa ku dhacay waxaana ay u dhiibtay warqadii ardayga  yari uu qoray waxaana ay ku tidhi akhri:

Waxa uu bilaabay akhriska,  waxaana ku qornayd : “ Waxaana jeclaan lahaa inaan noqdo TV-ga gurigayga  ee ay dawadaan qoyskayagu, waayo markay daawanayaan waxa ay ka helaan farxad badan, inaan noqdo mid lagu farxo oo lagu soo ururo ayaan doonayaa, halkii aan ilbidhiqsi kasta ka ahaan lahaa mid werwersan “ .

Markii uu dhameeyay ayuu yidhi: “ Waan ka xumahay waa wiil aad u murugoonaya, laakiin maxaan u qaban karaa?  “.  Markaasi ayay ku tidhi “ Miyaad garanaysaa wiilkaasi ? wiilkaasi waa inankeena yar ee aynu dhalay ayay ku tidhi.  Sidaasi ayay caruurta werwer uga hayaan muranka iyo dagaalka  labada waalid, ilaa uu jeclado inuu noqdo waxaan jirin oo aan noolaynba. Muranka iyo rebeshada waalidkuna waxa ay ubadka ku abuuraan niyad jab iyo werwer.

 

Leave a Reply