Taariikhda Kibirka Dawladaha!

0
318

Sanadkii 1886 dalalka Faransiiska iyo Mexico waxa dhex maray dagaal aad u xun. Dagaalkan waxa sababay markii askarta Mexico ay xad gudub kula kaceen nin Faransiis ah oo moofo Roodhida iyo peisada lagu sameeyo ku lahaa caasimadda dalkaasi.

Weerarka xadgudubka ee ay ku qaadeen ninka Moofada leh ayaa keenay inuu ninkaasi khasaare badan soo gaadho , iyadoo ay  moofadii iyo hantidi dhex taalayna burburtay.

Si loogu celiyo hantida ka khasaartay mulkiilaha roodhidu waxa uu cabasho u gudbiyay Boqorkii Faransiiska ee wakhtigaasi Louis Philippe.,

Boqorka ayaa isla markiiba amar ku bixiyay in wadahadal lala yeesho dawladda Mexico si magdhow loo siiyo ninka moofada leh.

Laakiin Faransiisku waxay adkeeyeen shuruudaa ay ku xidheen magdhowga ay bixinayso Mexico, taas oo ku keentay fashil ku yimi  wada xaajoodka dhex marayay labada dal. Markii wada hadalku fashilmay  Faransiiska ayaa iclaamiyay weerar ay ku qaadayaan Mexico isla markiibana way bilaabeen.

Si kastaba ha ahaatee, Mexico waxay awoodi weyday oo u adkaysan kari weyday inay muddo dheer sii dagaalanto, ugu danbaystiina waxay ogolaatay inay bixiso xadiga magdhowga uu dalbaday dalka Faransiiska.  Dagaalka waxa uu geystay khasaare ka balladhan moofadii burburtay. Wakhti kasta dunida dawladda xoogga is bidaysa waxa wheel u ah kibir iyo isla weyni.

 

Leave a Reply