Xukuumada, Culimo Aw Diinka iyo Ganasatada oo si Wada-jir ah Baaq ugu Diray Bulshada

0
413

Xaalad abaar baahsan oo dad & duunyo taabatay ayaa wadanka ka taaggan, waa in qofkasta hantiisa ugu naxariisto walaaladii”

Hargeysa (Dawan)- Xaalad abaar baahsan oo dad & duunyo taabatay ayaa wadanka ka taaggan, taasoo ay waajib tahay in qofkasta hantiisa ugu naxariisto walaaladii, ayaa lagu sheegay baaq wadajir shalay ay u soo saareen xukuumadda, culimaa’udiinka iyo ganacsatada dalka oo kulan qiimayn ka yeeshay xaalada abaaraha dalka ka taagan.

Kulan shalay ay wada yeesheen Wasiiradda xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo guddi-hoosaad ka kooban Culimaa’udiinka iyo Ganacsato oo dhowaan Madaxweyne-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), magacaabay ayaa lagu lafa-guray xaalada abaareed ee dalka ka jirta, isla markaana waxay qiimayn ku sameeyey gurmad raashin iyo biyo ilaa wakhtigan la gaadhsiiyey bulshada ay saamaysay ee deegaanada dalka, ayaa wadajir baaq ugu jeediyey bulshada hayntoodu wacan tahay inay ka qeybqaataan gurmadka abaaraha walaalahooda tabaalaysay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed oo hadal ka jeediyey ayaa si qotodheer u sharaxay xaalada abaaraha dalka ka taagan iyo doorka wayn ee Xukuumadda Somaliland ka qaadatay gurmadka dadka ay saamaysay.

Md. Kaahin ayaa sheegay in abaar baahsan ka jirto guud ahaan goboladda Barriga Somaliland, isla markaana baaqyadii xukuumadu u jeedisay caalamka iyo hay’adaha QM iyo kuwa caalamiga aanay wax weyn ka helin marka laga reebo dawladda Taiwan oo bixisay 500 kun dollar iyo hay’addo kooban

Waxuu sheegay in qiimayn ay guddiga Ganacsatada & Culimada taakulaynta abaaraha muddo ku jireen ku soo ogaadeen in saamaynta abaarahu ka culus tahay sidii la moodayey, waxaanu yidhi,

“Qiimayntii koowaad ee culayska abaarta iyo tirada ay saamaysay oo lagu qiyaasayey 800 boqol oo qof, ayaa laga cabsi qabaa in tirada dadka ay saamayn doonto gaadhi karto milyan iyo laba boqol bisha April.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in xaalada abaarta aynu kaga bixi karno marka ummadu isku tashato, isla markaana mideyso hayntooda.

Wasiirka Diinta Sheekh Albaani oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in baahida ugu weyni tahay  biyaha oo dad iyo xoolo u baahan yihiin.

Sheekh albaani ayaa sheegay in ummadu ku baahi bixi karto keliya deeqda Eebe SW, waxaanu bulshada Somaliland guddo iyo dibed ugu baaqya inay ka qeybqaataan, qof walba awoodiida taageerada walaalahooda cunto iyo biyo-la’aantu hayso ee abaarahu saameeyeen.

Xubno ka tirsan Guddiga Culimaa’udiinka iyo Ganacsatada loo xilsaaray inay qaadhaan-uruurin abaaraha sameeyaan oo hadal ka jeediyey madasha ayaa sheegay in loo baahan yahay uruurinta qaadhaanka abaaraha.

Xildhibaan, Sheekh Axmed Dayib Adan (ku-cadeeye) oo ka hadlay ayaa ugu baaqay bulshada   muslimiinta iyo dadka muxsiniinta inay la shaqeeyaan, una dhego-nuglaadaan Guddiga Taakulaynta abaaraha, bulshada waxaan leeyahay “Arrinku waa naftaada ka qaad oo naftaada u qaad.”

Siyaasi Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhawaaqyo dhiilo leh ka soo baxayaan saamaynta dadka iyo xoolaha ay ku yeesheen abaaraha dalka ka jira, ummadeenuna baahi weyn u qabto in qorshe loogu sameeyo hab-nololeedkooda, isagoo sheegay in biyahii Togga Hargeysa maray oo cabsi geliyey sannadkii hore uu weli xusuusto,

“Nimcadda Ilaahay SW qudhaanjadda ayaa ugu taag yaro way ku tallogashaa sebanka adag.”

Maanta dhaqaalahii bulshadeenu wuu kordhay, dalkeenu wuu dhismay, dhaqaalaha xukuumaduna kaa ayuu la kordhay. Sannadkii 2005 miisaaniyada dalku 40 Milyan dollar ayey ahayd, maanta waa 500 Milyan dollar, laakiin, noloshii aynu ku tiirsannayn waa siduu Ilaahay u abuuray. Waxaanu isagoo bulshada hoga-tusaalaynaya sida aanay marnaba hoos ugu eegin, ama qorshe uuga yeelan noloshooda uu yidhi,

“Sidii baa dagaalow biyaha loo dawariyaaye-Sidii bay u daba goosi tahay haradii doolood,” tixo ku jiray Gabaygii Dayax, oo u tiriyey AHN Axmed Ismaaciil Diiriye oo ku magac dheer Qaasim.

Ganacsade Muuse Dalab ayaa sheegay in baahida bulshada reer miyigu qabaan aanay helitaanka biyo ku koobnayn, laakiin cunto doonayaan, isagoo yidhi, “Baddi dadku baahida biyaha iyo helitaankooda ayey ka  hadleen, laakiin bulshada inbadan wax ay cunaan ayey u baahan yihiin.

Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Berberaawi) oo gunaanadkii kulanka ka hadlaya ayaa soo jeediyey baaq xukuumadda, Culimaa’udiinka iyo Ganacsatadu u jeediyeen bulshada, isla markaana sheegay in nicmada immika ummadu haysato Ilaahay SW ugu mahadceliyaan, si inta innaga maqan Ilaahay inoo siiyo, sidoo kalena maadaama, nimcada iyo deeqda Alle SW badan tahay, loo baahan yahay in bulshadu weydiisato oo baryadiisa badiso.

Sh Berberaawi ayaa sheegay in Guddiga Culimaa’udiinka iyo Ganacsatada Madaxweyne-xigeenku magacaabay yihiin kuwo mutadawaciin ah, oo Ilaahay SW ajar kaga doonaya shaqadooda, una taagan ka mid noqoshada caawinta walaalahooda u baahan biyo iyo cunto.

Baaq qeylo-dhaan Xukuumada, Guddiga culimadda iyo Ganacsatadu u direen bulshada oo Sh Berberaawi shaaciyey ayuu ku sheegay, “Xaalad abaar baahsan oo dad & duunyo taabatay ayaa wadanka ka taaggan, waa in qofkasta hantiisa ugu naxariisto walaaladii.

 

Leave a Reply