Nuxurka Kulan Dhex-maray Saddexda Xisbi iyo Gudida Doorashooyinka Qaranka

0
255

Hargeysa (Dawan) Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) ayaa shalay kulan muhiim ah la qaatay madaxda saddexda xisbi Qaran ee Somaliland, kulankan ayaa ujeedadiisu ahayad in KDQ ku soo bandhigo qorshaha iyo jadwalka diiwaangelinta codbixiyayaasha oo la filaayo dhawaan in dalka laga bilaabo.

KDQ ayaa xisbiyada la wadaagay qorshaha diiwaangelinta iyo jadwalka shaqo, xisbiyada ayaa iyaguna dhinacooda soo dhaweeyey qorshaha diiwaangelinta iyo shaqooyinka diyaar garowga ee KDQ-ku wado.

Kulankan ayaa ku soo dhammaaday is afagarad iyo in si wada jir ah looga wada shaqeeyo diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Xoghayaha warfaafinta xisbiga UCID ayaa ugu horrayn warbaahinta la wadaagay waxyaabaha ay ka hada hadleen guddida doorashooyinka waxaanu yidhi.“Waxa lagu heshiiyay in diwaangelintii doorashooyinku dalka ka bilaabanto, iyada oo labada bilood ee hore la geli doono, sida ku cad jadwalka ay guddida doorashooyinku bixiyeen uu noqon doono diyaar garowgii halka diwaangelintuna ay ka bilaabmi doonto bisha shanaad, isla markaana kaadh qaadhashadu ay ku soo dhammaan doonto bisha toddobaad, marka nuxurku intaas uunbu ahaa”Yuusuf Keyse Cabdillaahi.

Ismaaciil Aadan Cismaan oo ka mid ah hoggaanka xisbiga WADDANI, ayaa faahfaahin ka bixiyay nuxurka kulankii ay saddexda xisbi Qaran la qaateen guddida doorashooyinka.“Asxaabtu way ka siman yihiin hawshan aanu wadno wax khilaaf ahina kama taagna, waana la isla qaatay, hawshaasina si deg deg ah ayay u bilaabmaysa.

Waxa aanu soo ururinay wixii khaladaad ka jiray diwaangelihii hore, iyada oo qodobaysan ayaanu hore uga shirnay, labadii doorasho ee isku sidkana iyagana waanu soo ururinay, guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaanu hor dhignay si doorashooyinka madaxtooyada iyo kuwa kale soo socda u saxman”
Cali Maxamed Axmed (Cali-[dhagoole) oo ka mid ah saariisha xisbiga KULMIYE u qaabilsan Koomiishanka doorashooyinka ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi  “Anaga oo ah madaxdii saddexda xisbi ee sida joogtada ah ula shaqeynayay guddida doorashooyinka, kulankii aanu la qaaday guddida doorashooyinka waxa saldhig u ahaa xog ogaal u noqoshada xaalada doorashooyinka, waxa aanu isla eegaynay wixii caqabado ah ee doorashooyinkii dalka ka dhacay ka soo noqday, waxaanu kulankani daba socday kulan hore.

Waxyaabaha aanu ka wada hadalay waxa ka mid ahaa doorashada iyo wakhtiga la qabanayo, iyo qaabka loo qabanayo, sida loo wada shaqeynayo, qaabka loo wada xidhiidhayo, hawsha nuxurkeedu

Leave a Reply