Duqa Degmada Berbera iyo Masuuliyiin Kale oo Kormeeray Goobaha Waxbarasho ee Dadban lagu Barto Berbera

0
450

Hargeysa (Dawan) – Maayirka waxa kormeerkaas ku wehelinaayay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada ee gobolka Saaxil iyo guddida horumarinta waxbarashada ee heer gobol.

Sida uu ku soo warmaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalada Berbera Cabdisalaan Xarriir ayaa sheegay in masuuliyiintaas ay kormeereen waxbarashada dadka waawayn oo wasaaradda waxbarashadu ay galinka dambe casbaro ugu dhigto qaar ka mida dugsiyada sare ee gobolka Saaxil.

Xubno ka mida guddida waxbrashada ee gobolka Saaxil ayaa sheegay in waxbarashadaas dadka ka faa’iidaystay ay u badan yihiin hooyooyin, kuwaas oo hadda waxbarashadoodu ay marayso meel fiiican.

Geestodoana qaar ka mida dadkii waawaynaa eek a faa’iidaystay waxbarashadaas ay gacanta ku hayso dawlada hoose ee degmada berbera ayaa u mahadceliyay dawlada hoose ee deggmadaas, wasaaradda waxbarashada iyo maamulka gobolka Saaxil oo xil iska saaray sidii kor looqu qaadi lahaa waxbarashada dadka waawayn eek u nool guud ahaan gobolka Saaxil, gaar ahaan ta degmada Berber, waxaanay intaas ku dareen in ay hadda awood u leeyihiin in wax qoraan waxna akhriyaan.

Ugu dambayn maayarka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasn (Ciddin) ayaa sheegay in kor u qaadida waxbarashada bulshada ku nool gobolka Saaxil iyo degmada Berberi ay ka mid tahay dadaalada dawlada hoose ee Berberi ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta bulshada.

Leave a Reply