Wasiirka Qorshaynta oo Daahfuray Shirka Wadatashiga Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Heer Gobol.

0
624

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa maanta magaalada Hargeysa daahfuray shirka Wadatashiga Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee heer gobol.

Shirkaas waxa ka soo qayb galay degmooyinka hoos yimaadda Gobollada Maroodijeex, Gabiley iyo Hawd, iyo sidoo kale mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Maayarka Caasimadda Hargeysa, Maayarka Degmada Baligubadle, Maayarka Degmada Salaxley iyo Xubno ka socda Golaha Deegaanka ee Degmada Gabiley.

Inta shirku socdo waxa lagu lafa guri doonaa isla markaana wadatashi lala samayn doonaa xubnahan kala duwan ee ka socda Gobollada Maroodijeex, Gabiley iyo Hawd. Xubnaha kasoo qayb galayaasha ayaa iskugu jira mas’uuliyiinta degmooyinka, isuduwayaasha hay’adaha dawladda, bulshada rayidka ah iyo ganacsatada.

Ugu horeyn waxaa u jeedada kulanka ka warbixiyay ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Xasan Xuseen, waxaana uu sheegay in shirkan wada tashiga horumarinta qaranku uu noqon doono mid faa’ido weyn u leh bulshada iyo dalkaba, isla mar ahaantaana ay filayaan inuu kasoo baxo go’aamo loo aayo oo qaranka wax weyn ku darsada.

Waxa intaas kadib soo dhawayn u sameeyay dhammaan kasoo qaybgalayaasha Maayarka Hargeysa Cabdikarim Axmed Mooge oo kula dardaarmay in wakhti loo huro labadaa cisho sidii looga midho dhalin lahaa ujeedada wadatashiga.

Waxa sidoo kale hadalo koobkooban ka jeediyay madasha Guddoomiyaha Gobolka Hawd iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Gabiley, kuwaasoo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay kasoo qabygalana kulankan, iyagoo ugu baaqay ka faa’ideystayaasha inay u hirgeliaan sidii loo qorsheeyay.

 

Ugu dambayn, waxa si rasmi ah kulanka u furay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Mudane Cumar Cabdillaahi Bade,waxaana uu si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay wadatashiyadani leeyihiin. Wasiirku waxa uu sidoo kale si gaar u dul istaagay in mudnaan la siin doono sidii loo ogaan lahaa gobolkasta waxa uu hanti u leeyahay, isla markaana loo eegi lahaa caqabada gobolkaas ku geddaaman; ugu danbaynta iyada oo laga duulayo hantida gobolka iyo dhaqaalaha wadanka la eegi doono wixii mudnaan noqon lahaa wax ka qabashadooda shanta sano ee socda.

Leave a Reply