Masuuliyiin Kormeeray Qaar Ka Mida Mashaariicda JPLG-Ga Oo Laga Hirgaliyay Gabiley.

0
274

Hargeysa (Dawan) – Agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha arrimaha gudaha, waxbarashada iyo hay’addaha JPLG-ga oo soo kormeeray mashaariico laga hirgaliyay Gabiley.

Sida uu kuy soo waramaayo wariyaha wakaaladd wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalada Gabiley Ayaanle Xaaji kormeerkaas ka dib ayay dawlada hoose ee degmada Gabiley waxay xarunta afkhriska ee Gabiley ay ka fuliyeen mashruuca JPLG-ga, kaas oo ay ka soo qayb-galayeen masuuliyiin kala duwan

Qaar ka mida madaxda mashruuca JPLG-ga ayaa waxay degmada Gabiley ay ku amaaneed dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay mashaariicdaas ay u fliyeen.

Ugu damabyn agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada, Maayarka degmada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi iyo guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gabiley Calli Case ayaa sheegay in degmadaasi ay diyaar u tahay inay ka sii faa’idaysato mashruucaas JPLG-ga, oo ay ka mid tahay degmooyinka dalka ee guulaha ka gaadhay.

Leave a Reply