Borama: Dufcadii 4-aad ee Barnaamijka Shaqo Qaran oo Imtixaanka u fadhiisatay

0
485

Boorama (Dawan)  – Waxa magaalada Boorama si rasmi ah imtixaan ugu fadhiistay dufcadii afaraad ardayda gobolka Awdal ee barnaamijka carbiska shaqo qaran, kuwaas oo tiradoo tahay 1100 arday.

Agaasimaha waaxda cududa shaqaalaha ee wasaaradda waxbarashada Somaliland Xuseen Sitiin Faarax oo furitaanka imtixaankaas shaqo qaran ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkaasi yahay mid ay bulshada gobolkaas, siiba ardayda wax baratay ay ka heleen shaqo abuur, maadaama oo uu noqday mid qofku ku helaayo wixii aqoontiisu siiso, waxaanuu intaas ku daray in sannadkii hore ay u fadhiisteen shan boqol oo arday, se imika ay tirada u fadhiisatay ay intiisannadkii hore ka badan tahay.

Waxa isana hadal kooban halkaas ka jeediyay Cismaan Jaamac Xasan oo ka mida masuuliyiinta qaadaysa imtixaankaas waxaanuu sheegay in imtixaankaasi si habsami ah uu bilaabmay, ardaydana loo dhameeyay arrimihii muhiimka u ahaa inay imtixaankaas galaan.

Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka ee gobolka Awdal Cadar Muxumed ayaa sheegtay in xafiiskaasi xil iska saaray sidii ardaydaasi ay u helo lahaayeen imtixaan ku haboon oo lagu kala saaro, waxaanay xustay in imtixaankaas ay ku hawlan yihiin hawl-wadeeno kala duwan oo ka shaqayn doona hab-sami u qabsoomida imtixaankaas.

Ugu dambayn guddoomiyaha wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee gobolka Awdal Nuuradiin Muuse Cali ayaa sheegay in tirada guud ee imtixaanaadka galayaa ay tahay 1100 arday, kuwaas oo ku kala gali doonaan afar gooboob oo kala ah dugsiga Al-Aqsha, dugsiga Umaya Binu Kacab, Sheekh Cali Jawhar iyo dugsiga Adan Isaaq.

Leave a Reply