Wasaaradda Dastuurka oo Hargeysa ku Soo Gaba’gabaysa Tabbabar ku Saabsan Barashada Dastuurka.

0
585

Hargeysa (Dawan) – Wasaarada xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku soo gabagabaysa tabobarku saabsan barashada dastuurka.

Tabobarkaas ayaa waxa qaadanaaya qaar ka mida aradayda jaamacadaha dalka, tabobarkaas ayaa ku saabsanaa barashada dastuurka iyo quuda aadanaha.

Masuuliyiin ka socday hay’adda maxaliga ah ee Asal o fulinta taobarkaas qayb ka ahaa ayaa wasaaradda xidhiidhka goleyaasha ku bogaadiyay dadaalada ay ugu jirto sidii guud ahaan bulshada Somaliland loo fahan siin lahaa qodobada uu ka kooban yahay dastuurka Somaliland iyo xeerarka kale ee dalka, kuwaas oo ah qaar muwaadiniinta u cadaynaya waxyaabaha ay xuuqaha u leeyihiin iyo waxyaabaha ka reeban.

Ugu dambayn agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Deeqa Cabdi Yuusuf  ayaa ardaydaas ku bodaasiday sidii ay uga soo taadireen tabobarkaas oo socday laba maal-mood, waxaanay u soo jeedisay in sii xoojiyaan barashadooda la xidhiidha dhanka dastuurka iyo xeerarka dhaqan galka ah.

Leave a Reply