Kulan ku Saabsan Qorshe u Samaynta Magaalada Berbera

0
327

Berbera (Dawan)- Agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Maxamuud Jiidhe ayaa magaalada Berbera ku qabatay kulan ku saabsan sidii magaaladaas loogu samayn lahaa qorshe-magaaleedka

Agaasimaha guud ee wasaraadda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta mudane cabdilaahi maxamed maxamuud jiidhe ayaa shirgudoomiyey shirkii gudida farsamo ee mashruuca master Plan-ka loogu sameynayo magaaladda Berbera.

Shirkan gudidan farsamo oo agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud Mudane Cabdilaahi Maxamed Maxamuud Jiidhe Hogaaminayey Waxa Goob-Joog Ka Ahaa Maayirka Magaaladda Berbera, saraakiisha hayadda unhpitat, wasaaradda qorsheynta, agaasimayaasha waaxyaha qorsheynta iyo naqshadeynta magaalooyinka ee wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Eng. Ciise Maxamuud Ciise, iyo Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Aar oo ka mida la taliyeyaasha wasaaradaas.

Mashruuca Berbera Urban Development Waxa Maalgelinaya Midowga Yurub Islamarkaana Loogu Talogalay Hannaanka Bilicda Horumarinta Magaalada Berbera, Mashruucan Waxa Gadhwadeen Ka Ah Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Oo Qaranka Uqaabilsan Qorsheynta Magaalooyinka ‘’Master Plan’’ Dhamaan Magaalooyinka Dalka, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasaaradda Horumarinta Qorsheynta Iyo Dawladda Hoose Ee Degmadda Berbera. Shirkaasi intii Uu Socday Ayaa La Iskula Soo Qaaday Wixii Qabsoomay, Waxa Dhiman, Iyo Sidii Loo Fudeydin Lahaa Shaqooyinka Hadda Ubaahan In Degdeg Loo Dhaqaajiyo, Iyadoo Dhinacyadu Balan Qaadeen In Dhinaca Kasta Hawsha Ku Xidhan Ay Kasoo Baxaan, Shirar Danabana La Iskugu Yimaado.

 

 

Leave a Reply