Xikmadaha

0
338
  • Mararka qaarkood sababta keliya ee ay dadku uga sabri waayaan waxa murugada u keenaya waa isagoo ahaa waa waxa keliya ee farxada u keenayay.
  • Faynuusku ma hadlo laakiin iftiin ayuu isku muujiyaa, dadka guuleystay naftooda ma buun-buuniyaan, laakiin waxqabadkooda ayaa hadla.
  • Gawaadhida Rolls Royce lama xayeysiiyo, sababtuna waa iyagoo og qiimaha iyo tayada badecadoodu inay macaamiisha usoo jiido.
  • Markaad taqaan qiimahaaga uma baahnid inaad is xayeysiiso, is tus iyo ha lagu sheego. Keliya kor u qaad qiimahaaga qofnimo, adkee shaqsiyadaada iyagaa hadlaya oo dadka kuu bandhigaya.
  • Marnaba ha yareysan naftaada, haddii quwad iyo xoog wax taraan Maroodiga ayaa ahaan lahaa Boqorka Xayawaanka. Laakiin waa Libaax oo cudud iyo quwadba ka yar.
  • Guusha dadka kale maaha Guuldaradaada, marnaba ha ka xumaan qof Guul gaadhay. dadaal badan, doonid joogta ah, Dulqaad & hadaf cad sabab u ah Guusha

Leave a Reply