Deeqsinimada Mucjisada Noqotay!

0
616

 

Nin xakiim ah ayaa isagoo safar ku jira helay dhagax macdan qaali ah. Isagoo dhagaxii sita ayay nin kale oo isna safar ah kulmeen oo aan wax raashin ah sidan. Ninkii xakiimka ayaa shandadiisa furay oo raashinkiisa wax ka siiyay ninkii safarka kula jiray.

Ninkii ayaa arkay shandada xakiimka dhagaxa qaaliga ah ee ku jira isagoo garnayay qiimaha dhagxaasi, ka dibna waxa uu  weydiistay inuu siiyo dhagaxaasi? 

Ninkii xakiimka ahaa isagoon jawaab ku celin ayuu siiyay oo ku yidhi “ Qaado waa dhagax macadan qaali ahe”.   Ninkii ayaa tegay isagoo aad ugu faraxsan dhagaxan qiimaha leh ee uu siiyay oo noloshiisa oo dhan ku filan isagoo weliba garanaya inuu qiimo badan leeyahay

Markii magaalada uu la yimi ee si rasmi ah u ogaaday qiimaha dhagaxa , ayuu dib ugu noqday ninkii xakiimka ah ee siiyay waxaana uu ku yidhi. “ Waad ogayd qiimaha dhagaxan qaaliga ah, aniguna waa ogaaday qiimihiisa qaaliga ah, haddana si fudud ayaa markiiba aad ii siisay. Markaa anigu ma rabo dhagaxii ee qaado waa kane.

Laakiin waxan ka codsanaya inaad isiiso waxa gudahaaga ku jira ee kuu ogolaanaya inaad bixiso  shay  sidan qaali u ah?  Sidaasi ayay dadka xikmada lihi ay qiimo ugu leeyihiin kasbashada quluubta dadka laakiin aanay qiimo ugu lahayn  alaabooyinka si kasta oo ay qaali ugu yihiin. Dadka waxa

Leave a Reply