Gaadhida Go’aanka Degdega Ah!

0
450

Maal qabeenka Henry Ford ee iska leh Shirkada Ford ayaa nin khabiir ah shirkadiisa u shaqaaleeyay. Waxaana uu ku yidhi “ Shaqaalaha kormeerka oo ah kuwa aan wax soo saarka lahayn iisoo gudbi, si aan shaqada uga fadhiisyo”.

Khabiirk ayaa shaqaalaha kula wareegay sabuurada gacanta, ugu danabaytiina wuxu ku soo noqday Henry Ford  xafiiskiisa isagoo sida warbixintiisa waxaana uu ku yidhi “ Waxaan helay mid madaxda shirkadda ka mid ah oo aan isagu lahayn wax soo saar, mar kasta oo aan u galo miiskiisa ayuu ku tiirsan yahay waana qof isla maqan oo meel fog jira oo aad u fikiriya, kaasi waxba ma qabanayo , waxaan kugula talinayaa inaad kaasi shaqada ka erido”.

Ford wuu ku raacay inuu eryo, laakiin markii khabiirku magaciisa u sheegay ayuu maalqabeenka Henry Ford aad u naxay oo madaxa ruxay, oo si murugo ka muuqato u yidhi “ Waar ninkaasi ma eryi karo, ninkaasi waxaan shaqada u qoray waa inuu meesha u fikiro, iyadii ayuuba ku jiraa, oo aad qirtay waana mishiinka  ganacsiga, waana qofka ugu muhiimsan shirkadda, ee curiya fikradaha cusub” Weligaa go’aanka degdega ah iska hubi.

Leave a Reply