Xisaabta Ma Taqaanid!

0
353

Macalinku markii uu soo galay fasalka, isla markiiba su’aalo ayuu ku bilaabay ardayda. Ardaygiii ugu horeeyay ayuu weydiiyay su’aalahan.

Macalinka : Haddii aabaha uu ku soo iibiyo Koodh aad dhaxanta ka xidhato oo  $ 200, oo lacagtana uu ku bixinayo muddo 4 bilood , imisa ayuu bishiiba bixinaya ?

Ardayga: Wuxu bixinayaa  bishiiba $ 10 .

Macalinka: ( yaab) Waxaad tahay Arday maskax xun, weli xisaabta maad baran.

Ardayga : Maya , Adiga ayaan aabahay aqoon u lahayn. Musharhaka aabahay biilkayaga waxa ka soo hadha  $ 10 keliya, markasta oo uu alaab soo qaado intaasi ayuu bixiyaa.

Macalinka : Dadka Shiinuhu intee ayay inoo jiraan?

Ardayga : Ma foga Macalin, Fasalka Inagu xiga Arday Shiine ah ayaa ku jira.

Macalinka: Adigu waxaad tahay arday xun oo saaqid ah.

Ardayga : Maya adiga ayaan Ardaydaba kala aqoon.

Su’aal marka aad qof weydiinayso , jawaabta uu ku siiya mar kasta maaha sida aad adigu doonayso iyadoo weliba sax ah.

Leave a Reply