Madasha Isku-dubbaridka Tamarta iyo Wax-soo-saarka JSL oo la Qabtay

0
268

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Tamarta Shidaalka iyo Macdantu ayaa shalay qabatay kulan bud-dhig looga dhigay madasha isku-dubbaridka Tamarta & Wax-soo-saarka Somaliland oo lagaga hadlayey Horumarka Dhaqan-dhaqaale ee Tamarta Shidaalka & Macdanta Somaliland Ee Hiigsiga 2030.

Kulanka oo lagu soo casuumay dhamaan shirkadaha sahaminta shidaalka dalka, hay’adaha Wasaaradda Tamarta ay wada shaqeynta wadaagaan ayaa hay’adda Nordic International Support Foundation (NIS) oo ka qayb qaadanaysa kulanka sheegtay inay S/land ka fulisay mashaariic badan oo dhanka tamarta ah (Solar) oo u badnaa gobolada Barriga dalka, kuwaa soo kor u qaaday heerka nabadgalyada, isla markaana ka qayb qaatay in nabad waarta lagu soo dabaalo deegaanada colaaduhu ka jiraan.

Agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda Tamarta oo warbixino ka jeediyey ayaa Agaasimaha Tamartu ku soo bandhigay waxyaalahii u qabsoomay cusboonaysiinta qaybaha iyo horumarka (waxqabadyada, heerka hadda jira iyo sida loo socdo).

Wasiirka Tamarta Md. Cabdillaahi Faarax Cabdi oo hadal ka jeediyey furitaankii kulanka ayaa sheegay in Tamarta iyo wax-soo-saarka labaduba yihiin “qaybaha muhiimka ah (tiirka 1) ee horumarinta dhaqaalaha ee lagu sheegay NDP. Sidoo kale, tamartu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah horumarinta dhaqaalaha (tiirka 2, horumarinta kaabayaasha).”

Wasiirka Tamarta Md. Cabdillaahi ayaa raaciyey hadalkiisa in Helitaanka Tamar sugan oo tayo lihi ay lafdhabar u tahay xasiloonidda iyo koboca Dhaqaalaha, Ilaalinta Deegaanka, Horumarinta Bulshadda, Jiritaanka Bii’adda Nolosha iyo la tacaalista is badalka cimiladda.

 

Leave a Reply