Barca oo Heshiis la Gaadhay Xiddig Khadka Dhexe ee Franck Kessie oo ay ku Garaacday Kooxo Badan

0
301

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dhamaystirtay heshiiska xiddiga khadka dhexe uga ciyaara AC Milan ee Franck Kessie oo ay si xor ah ugala soo wareegayso San Siro Stadium marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Kessie ayaa ka degi doona Camp Nou marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha June, waqtigaas oo uu ku egyahay heshiiska uu kula jiro Milan oo uu iska diiday inuu cusboonaysiiyo.

Sida uu qoray wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain, Barcelona ayaa wada-hadallo meel fiican maraya  kula jirto Franck Kessie, waxaanay wada gaadheen heshiis mabda’ ah oo laacibkani uu intiisa badan aqbalay, waxaana kaliya u hadhay in labada dhinac qalinka ku duugaan kaddibna si rasmi ah loogu dhawaaqo.

Franck Kessie ayaa Barcelona ka qaadan doona mushahar gaadhaya €6.5 milyan oo Gini oo aanay cashuurtu la socon, sida uu sheegay wariyaha Talyaaniga ah ee Fabzio Romano, waxaanu sidaas kusoo afjarayaa shan sannadood oo uu xidhnaa garanka kooxda AC Milan.

25 jirkan ka ciyaara booska No.8 ee  khadka dhexe ayay Barcelona kula dagaallantay kooxo badan oo Yurub ah oo ay qaarkood mushahar intan ka badan diyaar ula ahaayeen, waxaana si dhow ugu gacan haadiyey Xavi Hernandez oo taageere u ah, isla markaana u ballan-qaaday boos joogto ah.

Barcelona oo bishii January si bilaash ah kula soo wareegtay Dani Alves iyo Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sii wadi doonta siyaasaddeeda, waxaanay suuqa soo aaddan ku dedaali doontaa inay la saxeexato ciyaartooyo kale oo aanay wax lacag ahi kaga bixin, sida Franck Kessie, Andreas Christensen iyo Cesar Azpilicuet.

 

Leave a Reply