Ruushka oo cunaqabateyn kusoo rogay Joe Biden iyo Justin Trudeau

0
363

Washinton DC (Dawan) Dowladda Ruushka ayaa sheegay Talaadadii in ay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo tobannaan ka mid ah saraakiisha sarsare ee Maraykanka ay gelisay liiska ”Stop list” ee ka mamnuucaya inay dalkeeda soo galaan.

Biden ka sokow, saraakiisha Maraykanka ah ee liiskan ku jiray waxaa ka mid ah xoghayaha difaaca Lloyd Austin, madaxa CIA-da William Burns, la taliyaha amniga qaranka Jake Sullivan iyo xoghayihii hore ee arrimaha dibadda iyo murashaxa madaxweynenimada Hillary Clinton.

Mamnuuciddan ayaa jawaab u ahayd cunaqabataynta ay Washington kusoo rogtay saraakiisha Ruushka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa markii dambe Ra’isul Wasaaraha Canada Trudeau ku dartay liiska shaqsiyaadka la cunaqabateeyey.

Cunaqabateynta Ruuushka ayaa u muuqata mid magacan u yaal ah, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ay sheegtay inay sii wadeyso xidhiidhka rasmiga ah, haddii loo baahdona ay xaqiijineyso in xidhiidh lala sameeyo dadka liiska ku jira.

Reuters.

Leave a Reply