Arsenal oo Dalab Rasmi ah ka Gudbisay Xiddig Muhiim u ah Barcelona

0
416

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah miiska u saartay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ronald Araujo sida ay sheegayaan wararku.

Arsenal ayaa la filayaa suuqa xagaaga in ay xoojiso daafaca dhexe si ay ugu tartanto koobabka xilli ciyaareedka dambe sida uu dalbaday Mikel Arteta.

Saxafiga reer Spain ee Gerard Romero ayaa sheegaya in ay Arsenal noqotay kooxdii ugu horaysay ee dalab Rasmi ah ka gudbisay xiddiga reer Spain.

Araujo ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo joogto ugu ciyaara kooxda Barcelona isaga oo door weyn ka qaadanaya qaab ciyaareedka kooxda ee fiican kulamadii ugu dambeeyay.

Arsenal ayaa la sheegayaa in ay xiddiga miiska u saartay dalab 6 milyan ah oo uu mushahar ahaan ugu qaadan doono muddo 5 sano ah oo ay u soo bandhigtay kooxdu xiddiga.

Leave a Reply