Atletico Madrid oo Man United Champions League Kaga Dhex-Reebtay Old Trafford

0
475

Kooxda Man United ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Atletico Madrid kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions league kana dhacay garoonka Old Trafford.

Man United ayaa kulanka ku bilaabatay si fiican iyaga oo maamulayay ciyaarta waliba weerar ku qaadayay kooxda Atletico Madrid kuwaas oo weerar rogaal celis ah adeegsanayay.

Atletico Madrid ayaa heshay dhawr fursad oo wakhti hore ah xilli ay sidoo kale Man United heshay dhankeeda fursado ay hogaanka ugu qaban karto ciyaarta.

Xilli ay labada kooxoodba isku diyaarinayeen in ay bar-baro gool la’aan ah ku dhamaato qaybta hore ee ciyaarta ayay Atletico Madrid badashay wax walba.

Daqiiqadii 41-aad ayay Atletico Madrid dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga daafaca ka ciyaara ee Renan Lodi kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Atletico Madrid hogaaminayso natiijada ciyaarta inkasta oo ayna ahayn kooxda fiican ee kulanka.

Qaybtii dambe ayay Atletico Madrid ahayd koxda difaacanaysa xilli ay Man United wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiin Nasiibka ayaa ka hor istaagay in ay shabaqa soo taabtaan inkasta oo ay heleen fursado fiican.

Man United ayaa ku weerartay dhamaan waxa ay awoodo laakiin Atletico Madrid ayaa si waali ah u difaacatay goolkeeda una diiday United in ay dhaliyaan goolka bar-baraha.

Leave a Reply