Khudbadda Madaxweynuhu waxay ahayd khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay oo ahayd 9 bog. Waxay ka koobnayd 6 Cutub oo muhiim ah oo kala ahaa:
- Hordhac,
- Dib u milicsiga sooyaalka taarikheed iyo halgankii Xornimada ee JSL,
- Mudnaanta isteraatijiyadeed ee ay Somaliland u leedahay dalalka ay dano iyo afkaar wadaag yihiin,
- Midho dhal la’aanta Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya,
- Faa’iidooyinka ku duugan xidhiidh dhaw iyo wada shaqayn dhex marta Somaliland iyo Maraykanka,
- Gebagabo iyo gunaanad.
Nuxurka urursan ee Khudbadii Madaxweynaha waxaynu ku soo koobi karnaa qodobada soo socda:
1) Madaxweynuhu wuxuu si mug leh ugu mahad naqay Machadka Caalamiga ah ee Heritage Foundation isagoo uga mahad celiyey fursada taariikhiga ah ee ay siiyeen.
Intaa kadib, Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatada Yukreyn iyo shacabkeeda haysata, isagoo xusay in waqtigan xaadirka ah ay Adduunyadu si wayn isha ugu hayso xaaladda dalka Yukreyn. Wuxuu xusay in xasuuqa maanta lagu hayo ummadda reer Yukrayn ay xasuusinayso dhacdo xanuun badan oo uu isagu qof ahaan u soo joogey oo loo gaystay Shacabka JSL oo sida ay hadda Yukreyn ku jirto u qaxaya, xasuuq aan arxan lahayna loo geysanayo. Madaxweynuhu wuxuu xusay in dhibta haatan haysata reer Yukrayn ay tahay mid lala socdo oo ay bulshada Caalamku daqiiqad walba ogyihiin waxa dhacaya, halka tii loo geystay ummadda Somaliland 33 sano ka hor ay ahayd mid ka qorsoonayd dhegeha iyo indhaha Beesha Caalamka, taasoo aan waxba lagala soconin xasuuqii berigaa dhacayey oo lagu xasuuqay in ka badan 50,000 oo qof, in ka badan hal milyan oo qofna ay ku bara-kaceen. Faraqa u dhexeeyana waxa weeyi, berigaa may jirin Warbaahinta Casriga ee haatan oo kale.
2) Madaxweynuhu wuxuu si xogogaalnimo leh uga war bixiyey Taariikhda soo jireenka ee Qaranka Somaliland, Midawgii Woqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya iyo cawaaqib xumadii laga dhaxlay, sida loogu xad gudbay xuquuqihii aasaasiga ahaa ee ay lahaayeen ummadda Somaliland iyo sida Midawgii lagu hongoobay uu horseed ugu noqday xaaladaha halista ah ee maanta ka taagan Geeska Afrika.
3) Madaxweynuhu wuxuu ka waramay halgankii xoogaggii xaq u dirirka ahaa ee SNM ay la galeen Xukuumadii Milatariga ahayd ee Soomaaliya, burburkii iyo xasuuqii loo geystay bulshadii rayidka ahaa ee Somaliland iyo sida ay Somaliland ula soo noqotay madax bannaanideedii iyo siday uga soo kabatay burburkii ku dhacay.
4) Madaxweynuhu wuxuu si qoto dheer uga war bixiyey geedi-socodka dheer ee ay Somaliland u soo martay halka ay maanta taagan tahay iyo juhdiga ay ummadda Jam. Somaliland galiyeen in ay dhistaan dal nabad ah, xasiloon oo dimuqraadi ah, kaasoo dhif iyo naadir ku ah Gobolka Geeska Afrika.
5) Madaxweynuhu wuxuu si mug leh uga war bixiyey hana-qaadka iyo qaan-gaadhnimada hannaanka Dimuqraadiyada ee ka hirgalay JSL oo ah mid ay ku faanayaan ummadda Somaliland iyo sida ay Jam Somaliland uga muuqato mandaqada Geeska Afrika oo ah gobol ay colaaduhu ku badan yihiin.
6) Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xarriiqay sida ay ummadda Somaliland ugu qanacsan yihiin uguna faanayaan nabada, xasiloonida, horumarka iyo dimuqraadiyada ay dhisteen ummadda Somaliland, isla markaana uu rajaynayo in la gaadhay xilligii ay Beesha Caalamku garwaaqsan lahayd xaqa aaya-ka-tashiga ummada Somaliland.
7) Madaxweyne Muse Biixi Cabdi wuxuu ka xog waramay Muhimadda iyo mudnaanta Isteraatijiyadeed ee ay Somaliland u leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba. Wuxuu ka hadlay xaaladaha is-barkan ee ka jira Geeska Afrika ee ay ugu mudan yihiin saddexdan arrimood: 1) xaaladaha amni darro ee ka jira gobolka oo ay door weyn kaga jirto dawlad la’aanta ka jirta Soomaaliya 30-kii sano ee ugu dambeeyey. 2) Loollanka iyo Hirdanka Siyaasada ee u dhexeeya Quwadaha Caalamka ee waqtigan xaadirka ah ee ku wajahan mandaqada Geeska Afrika, iyo 3) Horumarka Dhaqaale, ka Amni iyo Fursadaha iyo Adeegyada xagga Ganacsiga ee ka jira Jam. Somaliland oo ay horseed u tahay Marsada Caalamiga ah ee Berbera, taasoo rajo wacan iyo yididiilo hor leh u abuuraysa awooda ganacsiga ee dalalka Bariga Afrika.
8) Madaxweynuhu wuxuu sheegay in wada hadalkii Somaliland iyo Somalia uu fashilmay, kadib markii Madaxda Soomaaliya ay mu’aamarad iyo jaah-wareerin ka door bideen in laba dhinac ay si dhab ah uga wada hadlaan arrimaha masiiriga ah ee saldhiga u ah muranka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Wuxuu sheegay in aanay jirin rajo xaqiiqada ku dhisan oo ka soo muuqata midnimo dambe oo ay ku bahoobi karaan Somaliland iyo Soomaaliya, sidaa darteedna la gaadhay xilligii ay Beesha Caalamku garwaaqsan lahayd xaqa aaya-ka-tashiga JSL.
9) Wuxuu sheegay in ay jiraan arrimo aasaasi ah oo ay wadaagaan Somaliland iyo Maraykanku, kuwaasoo ay ka mid yihiin nabad iyo xasilooni waarta oo ka hirgasha Gobolka Geeska Afrika, ku dhaqanka hannaanka Dimuqraadiyada iyo Hiigsiga Horumarka Dhaqaalaha. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in nabada iyo xasiloonida ka jirta Somaliland ay tahay mid la isu hallayn karo taasoo muhiim u ah guud ahaannba Xasiloonida Gobolka iyo Caalamka kaleba. Sidoo kale, wuxuu sheegay in Somaliland ay ka adkaatay Budhcadbadeedka iyo Argagaxisada, Gobolka iyo caalamkana ay ka la shaqeysay dedaallada argagaxiso la dagaalanka. Wuxuu sheegay in Somaliland muddo 20-sanno ay ka jirtay hannaanka dimuqraadiyadda iyo xisbiyada badan taasoo iminka qaangaadh ah, talada waddankuna ay tahay mid qori isu dhiib ah.
- Wuxuu xusay maalgashiga Dp World iyo kombani Ingiriis ah oo si wadajir u ah maalgashi uga sameeyey Somaliland. Wuxuu sheegay in Dawladda Maraykanku ay xiisaynayso Berbera, ka Somaliland ahaanna ay u arkaan fursad ay wadaagi karaan labada dal. Wuxuu sheegay in Somaliland ay tahay dal isu diyaariyey inuu ka qayb qaato qaadhaanka iyo dib u dhiska dunida.
11) Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xidhiidh iskaashi oo dhex mara Maraykanka iyo Somaliland ay labada dhinacba ugu jirto faa’iidooyin dhinacyo badan leh. Somaliland waa buqcad isteraatiji ah oo muhiim u ah isu socodka ganacsiga Caalamka, laakiin ku taalla gobol aycolaaduhu ku badan yihiin, kaasoo ay Quwadaha Caalamku ugu jiraan hirdan iyo loollan joogto ah. Somaliland waa dal dimuqraadi ah, xasiloon, dadkiisuna ay ka shaqeen nabada iyo horumarka ka hana-qaaday 30-kii sano ee ugu dambeeyey. Somaliland waa meel fikir, aragti iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee dimuqraadiyada la wadaagta dalka Maraykanka. Somaliland waa meel ay Dawladda Maraykanku ka hirgelin karto danaha isteraatijiyadeed, kuwa Amni iyo kuwa Dhaqaale ee uu Maraykanku ku leeyahay Gobolka Geeska Afrika
Marka la soo koobo nuxurka Khudbadii Madaxweynaha JSL uu ka jeediyey Machadka Caalamiga ah ee Heritage Foundation, hadalka madaxweynuhu wuxuu ahaa mid si fiican u diyaarsan oo soo jiitay dhegeha iyo indhaha
macno u sameynaya dadka dadkii dhegesanayey iyo nasiib u helay inay akhriyaan nuqul ka mid ah Khudbadii Madaxweynaha JSL.
Waxaa soo koobay:
Xuseen Adan Cige (Deyr).