Xikamadaha Maanta

0
435
  • “Sumcadada Waxay ku kaydsan tahay qalbiyada mujtamaca aad la nooshahay. Maaha  waxa aad adigu maamuli karto, laakiin waxa aad awood u leedahay in aad adeegsato  dhaqanka iyo akhlaaqda aad ku helaysid Sumcadaas”.
  • Shayga Ugu qaalisan ee aad haysataa waa wakhtiga, laakiin waa arinka ugu xun haddii aanad ka faa’iidaysan wakhtigaasi qaaliga ah.
  • Dumarku marka ay la kulmaan arrin ay doonayaan ama xiisaynayaan si degdeg ah ayay go’aanka u gaadhaan, taasi oo ku qaadata muddo 3 daqiiqo ah. Laakiin aqoon yahano cilimiga barashada  Physocology-ga ah ayaa cadeeyay in raggu aanu go’aankaasi degega ah ay ku qaadato 7 Ilbidhiqsi.
  • Nin xikmad badnaa ayaa maalin lagu yidhi marka maydka naxashka lagu qaado, ma waxa wanaagsan inaan ka horeeyo mise in aan ka danbeeyo? Waxaana uu ku jawaabay “ Xagga hore iyo xagga  danbe kii aad doonto ka raac, waxa wanaagsani waa in aanad adigu maydka noqon”.
  • Inta aanad jebin shay qurux badan Ogow in Shayna aanu ku soo noqon sidii uu ahaa.
  • Ha yaraysan ducada ka dulman, waxa laga yaabaa inay taasi kaa dhigto kan dadka ugu itaalka daran.
  • Dugsigu wuxu ku baraa casharo , ka dibna wuu ku itixaama, laakiin Noloshu way ku imtixaantaa markaasi ayay wax ku bartaa. Marka Dariiqa uu marayo Caajisku waxa raaca Fakhriga ama saboolka.

Leave a Reply