Xukuumada oo Shaacisay in Saudi Arabia ay Xayiraaddii Ka Qaaday Dhoofka Xoolaha Somaliland

0
279

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in dalka dawladda Sacuudi Arabiya ay Xayiraadii saarnayd ka qaaday dhoofka Xoolaha Somaliland ee looga dhoofin jiray badaheena.

Siciid Sulub Maxamed oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Sucuudiga dhoofka Xoolaha u furay Dawladaha Somaliland Jabuuti iyo Soomaaliya,

Siciid Sulub oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa farxad inoo ah in iiibka Xoolaha ee suuqa Sucuudiga ee inaga xidhnaa muddo in Dawlada Sucuudiga u furtay Dawladaha Somaliland Jabuuti iyo Soomaaliya,waxaana aanu isku diyaarinaynaa si Maxjarada Magaalada Berbera ugu diyaar garoobi la haayeen dhoofka Xoolaha,laf dhabarta dhaqaalaheenu waxa uu ahaa Xoolaha.waxaana aan rajaynayaa in cid kasta oo ku shaqo lehi arintaas ay isku diyaariso,ka wasaarad ahaana diyaar ayaanu nahay wixii ku sahabsan dhoofka Xoolaha iyo Caafimaadka,”.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu u mahadnaqay Safiirka Sucuudiga ee Somaliland iyo Soomaaliya.Waxaana uu yidhi”Waxaana aan uga mahadnaqayaa Safiirka Sucuuudiga ee Somaliland iyo Soomaaliya oo ka shaqeeyay in xayiraada laga qaado dhoofka Xoolaha,waxaana uu uga shaqeeyay hawshaas si mutadawacnimo ah,”.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply