Dalka South Sudan oo la kulmaya gaajo daran

0
312

Khartoum (Dawan) Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Qaramada Midoobay ayaa sheeegtay in dalka South Sudan uu la kulmayo “xaaladdii ugu xumeyd ee gaajo.” Afhayeenka hay’adda, Marwa Awad ayaa arrintan sheegtay mar ay iyadu indhaheeda ku soo aragtay xaaladda taagan.

Dad lagu qiyaasay 8.3 milyan oo qof oo ku nool South Sudan ayaa dhowrka bilood ee soo socda la kulmaya macaluul daran, sida ay Awad u sheegtay warbaahinta South Sudan in Focus.

Hay’adda WFP ayaa maamusha barnaamijyo lagu dhisayo adkeysiga dadka, dibna loogu soo celinayo quudkoodii, sida Marwa Awad ay sheegtay.

Waxay intaas ku dartay “laakiin waxaan u baahanahay lacag aan arrintaan ku xoojinno, dad kale oo dheeraad ahna aan ku gaarno.”

Qaar ka tirsan qoysaska gobolka Jonglei ayaa VOA u sheegay inay la dhibaateysan yihiin sidii ay cunto u heli lahaayeen, ka dib markii daadadkii sannadkii hore ay dhul-beereedkoodii burburiyeen.

Leave a Reply