Ruushka oo duqeeyey meel u dhow gegida Diyaaradaha Lviv

0
380

Hargeysa (Dawan) Gantaallo uu soo ganay ciidanka Ruushku ayaa Jimichii shalay ku dhacay meel u dhow gegida diyaaradaha ee magaalada Lviv ee galbeedka dalka Ukraine ku taalla.

Ma jiraan warar degdeg ah oo sheegaya khasaare arrintaas ka dhashay.

Gegida ayaanse iyadu wax weerar ah la kulmin, sida uu warbaahinta Reuter u sheegay duqa magaalada Lviv, Andriy Sadovy.

Daruuro qiiq ah ayaa laga arkayey deegaanka ka ag dhow gegida dayuuradaha.

Dhinaca kale, dad badbaaday ayaa bilaabay inay ka soo baxaan masrax ku yaalla magaaalada Mariupol, halkaas oo gantaallo Ruushku soo ganay ay ku dhaceen Arbacadii.

Boqolaal dad ah, oo ay ku jiraan caruur, ayaa la aaminsan yahay in gabbaad ka dhigteen Masraxa Daramaaha ee magaaladaas.

Muuqaallo dhinaca satelaytka oo goobta laga qaaday, kuwaas laga helay shirkadda dhinaca teknolajiga hawada sare ee magaceeda la yidhaahdo Maxar ayaa muujinayey erayga “caruur” oo ku qoran afka Ruushka, kaas oo lagu xarday waddooyinka masraxa hormara.

Ma cadda inta qof ee weerarkaas ka badbaadday.

Leave a Reply