Guddiga Arrimaha Dibedda Senate Maraykanka oo Xeer ku meel Mariyay Iskashiga Somaliland iyo USA

0
441

Washington-(Dawan):- Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare (Senate)-ka Maraykanka ayaa soo saaray mooshin jideynaya iskaashi siyaasadeed iyo mid ammaan oo dhexmara Somaliland iyo Maraykanka, kana dalbanaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Wasiirka Gaashaandhiga inay lix bilood gudahood ugu soo gudbiyaan  daraasadiisa labada GOLE Baarlamaan ee Maraykanka.

Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen xildhibaano labada xisbi ee Jamhuuriga Iyo Dimoqraadiga ah, ayey ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Guddi-hoosaadka Afrika iyo Caafimaadka Adduunka, Xildhibaan Jim Risch, Xildhibaan Chris Van Hollen, xubin Guddiga Xidhiidhka Dibadda iyo Xildhibaan MP Mike Rounds, ayaa dhigaya in xukuumada Maraykanku warbixin ka siiso Congress-ka la macaamilka Somaliland, isla markaana la sameeyo daraasad la xidhiidha suurto galnimada, iyada oo lala tashanayo Wasiirka Difaaca, sidii loo samayn lahaa iskaashi dhinaca ammaanka oo dhexmara Maraykanka iyo Somaliland. .

“Maraykanku wuxuu sii wadaa in uu yahay saaxiibka joogtada ah ee dadka Soomaaliyeed iyo dawladdiisa federaalka ah, laakiin Maamulka Biden waxa uu ku soo koobay siyaasadda ‘Soomaaliya kaliya’ oo wax u dhimaysa jilayaasha kale ee dimuqraadiga ah ee dalka,” ayuu yidhi xildhibaan Risch. Isagoo raaciyey “Waqtigan adag ee arrimaha caalamiga ah iyo Geeska Afrika, Maraykanku waa inuu sahamiyaa dhammaan xidhiidhada faa’iido u leh labada dhinacba saaxiibo deggan oo dimoqraadi ah, sida Somaliland oo kale, oo aynaan isku koobin habab siyaasadeed oo duugoobay iyo qaab-dhismeed diblomaasiyadeed oo aan ku habboonayn in aan la kulano caqabadaha maanta jira.”

Xildhibaan Chriss Van Hollen ayaa isaguna sheegay “Iyadoo Geeska Afrika uu wajahayo xaalad degenaasho la’aan sii kordheysa, kor u qaadista iskaashiga aan la leenahay kuwa gobolka ee qiimeeya maamulka dimuqraadiga ah iyo xorriyaadka aasaasiga ah ayaa fure u ah horumarinta danaha Mareykanka, hagaajinta xasilloonida gobolka, iyo taageeridda ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadamaha. Tobannaan sano, Somaliland waxay ku sifowday inay tahay deegaan xasiloon, dimoqraadiyad horumarsan ku dhex jirto bad colaadeed. Taasi waa sababta kordhinta fursadaha la macaamilka Mareykanka ee Somaliland ay macno u leedahay,” ayuu yiri Van Hollen.

Xeerkan oo la filayo inay ansixiyaan ayaa dariiqa u furi doona iskaashi siyaasadeed iyo mid ammaan oo si rasmiya u dhexmara dalalka Somaliland iyo Maraykanka, isla markaana tilmaamaya guulaha socdaalka shaqo ee Madaxweynaha Somaliland Mudane. Muuse Biixi Cabdi iyo wefdiga heerka sare ee uu hoggaaminayo ku tageen dalka Maraykanka.

Leave a Reply