Shacabka Maraykanka oo Dhegeystay Qadiyadda Somaliland iyo ictiraafkeeda

0
317

Washington-(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday inuu Baasaboorka Somaliland ku tegay kuna joogo  dalka Maraykanka, isla markaana aanu Baasaboor kale lahayn, isagoo sheegay in ictiraaf la’aantu dalkiisa ka hortaagan tahay la macaamilka dunnida kale.

Idaacadda Dadweynaha Qaranka Maraykanka (NPR) oo lagu naanayso ‘Hooyada Idaacadaha’ isla markaana ay ku xidhan yihiin 1000 idaacadood, isla markaana ay  dhegeystaan dad lagu qiyaasay 38 Milyan maalin walba, oo wareysi la yeelatay Madaxweynaha Somaliland  Mudane Muuse Biixi, Jimcahii ayuu sheegay,

Halima Gikandi oo waraysiga ka hor sharaxaad ka siinaysay dhegeystayaasha ayaa sheegtay  in Somaliland ka duwan tahay Soomaaliya, kana hadashay taariikhda Somaliland soo martay, iyadoo sheegtay inay madaxbanaanideeda ka qaadatay Ingiriiska, isla markaana aqoonsadeen wadammo badan oo caalamka ah, maalmo ka dibna si iskeed ah ula midowday Koonfurta Soomaaliya, Jamhuuriyada Soomaaliya. Sharaxaad kooban ka dib, wareysigii ayaa u dhacay sidan;

Su’aal laga weydiiyey ujeedada socdaalkiisa, ayuu kaga jawaabay, “ujeedada rasmiga ah ee socdaalkayga Washington ayaa ah inaan u sharxo xukuumada iyo shacabka dalkan aanu booqashada ku joogno ee Maraykanka qadiyada Somaliland. Somaliland waxay xaq u leedahay sharci, caqli iyo siyaasad ahaan in la aqoonsado.

Mar la weydiiyey, waxaad ku sheegtay wareysi hore inaanay suurtogal ahayn midnimo dambe oo Soomaaliya, maxaa keenay, ayuu Madaxweyne Muuse, ku jawaabay, “Sababo badan, sidaad ogtahay Soomaaliya, 30kii sannadood ee u dambeeyey xasilooni kama jirin, hogaamiyeyaasha Soomaaliya ee Muqdisho, waxay ku guuldaraysteen inay dalkooda ka badbaadiyaan argagaxisada Al shabaab, kuma ay guulaysan inay mideeyaan shacabka Soomaaliya. Weligood may qiran xasuuqa iyo burburka ay gaadhsiiyeen dadkayaga, markaa dadkaa ma midoobi karno, mana ilaawi doono xasuuqii ay geysteen, burburkii magaalooyinka iyo kaabayaashii dalkayaga, markaa waxaan filayaa inaanay midnimo dambe na dhexmari doonin mustaqbalka fog, laga yaabee 100 sannadood ka dib in isbedel yimaado, laakiin wakhtigan maya.

Dal keliya ayey dhowaan Somaliland la yeelatay xidhiidh dublamaasiyadeed oo ah Taiwan, oo hanaan dimoqraadi ku dhaqanta, balse aan la aqoonsan, ma u aragtaa Taiwan hanaan Somaliland ku deyan karto, oo la weydiiyey ayuu ku jawaabay, Mudane. Muuse, “Si haa, si kalena maya. Taiwan iyo Somaliland waayo-aragnimo isku mid ah ayey marayaan, si ay noloshooda iyo dalkooda ugu dhistaan aqoonsi la’aanta. Dhinaca kale, maya, sababtoo ah Maraykanka iyo Midowga Yurub way ka taageeraan Taiwan, dhinaca amaanka iyo dhaqaalaha. Laakiin shacabka Taiwan waa very efficient and hard working intelligent, so thou, hadaad heli lahayn dal na taageera sidooda, waanu baran karnaa sida ay dalkooda u dhisteen, una shaqeystaan, aqoonsi la’aan. Waxaanu leenahay xidhiidh iyo cilaaqaad wanaagsan oo saaxiibtnimmo. Cadow uma nihin dalka Shiinaha, weli waxaan ku dedaalaynaa inaan ugu qancino qadiyadayada si nabadgelyo ah, waa kaa qorshahayagu.

Ma filaysaa in Somaliland u sii waari karto, sida Taiwan, aqoonsi la’aan, ayuu ku jawaabay, “Haa, waan samayn karnaa.

Markaa, waa maxay sababta aqoonsi caalami ah muhiim idiinku yahay? Ugu dambayn, maxuu aqoonsi caalami ah u yahay shacabka Somaliland, iyo adiga, oo la weydiiyey ayaa ku jawaabay, “ Waxay nooga dhigatn tahay inaan wada shaqeyn la yeelanno caalamka kale. Imika xidhiidh laba dawladood lama yeelan karno caalamka, wada shaqeyn lama yeelan karno hay’adda Lacagta Aduunka, Baanka Aduunka ama Hay’adda Ganacsiga Aduunka iyo hay’adaha Qaramadda Midoobay. Markaa aqoonsiga waxaan ugu baahan nahay inaan la macaamilo dhamaan wadamadda caalamka.

Socdaalkaaga Maraykanka, ma baasaboor Somaliland ayaad ku timi, oo la weydiiyey ayuu ku jawaabay, Madaxweyne Muuse, “Haa, Baasaboorka Somaliland ayaan ku imi Maraykanka, mana lihi Baasaboor kale, waan ku guulasytay helitaanka fiisahii Maraykanka, inkastoo su’aalo badan la I weydiiyey.

 

Leave a Reply