Guurtida oo Bogaadisay Mooshin Dhigooda Maraykanku soo Jeediyeen

0
317

Hargeysa-(Dawan):-Gudoomiye ku xigeenka Guddi-hoosaadka Shuruucda iyo Arrimaha Garsoorka ee  Golaha Guurtida Xildhibaan Garyaqaan Mustafe Maxamed Cabdillahi ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan mooshinka Xeerka Iskaashiga Somaliland ee dhigooda xildhibaanada Aqalka Sare ee Maraykanku soo jeediyeen.

Xildhibaan Mustafe ayaa sheegay in goleyaasha Baarlamaanku door laxaad leh ka qaadanayaan horumarinta cilaaqaadka dalkeenu la yeelanayo dhigiisa Maraykanka iyo yoolkeena qadiyada ictiraafka Somaliland, loona adeegsanayo hannaanka diblomaasiyadda Baarlamaanka.

Qoraal uu soo saaray xildhibaan Mustafe shalay oo soo gaadhay wargeyska Dawan ayaa u dhignaa sidan;

“Farxad wayn ayay noo tahay in Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Maraykanku ku qaabilaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Mudane Muuse Bixi Cabdi xarunta  Baarlamaanka ee Capitol Hill. Waxaan aaminsanahay in Golayaasha Baarlamaanku ay door laxaad leh ka qaadanayaan cilaaqaadka aynu la yeelanayno USA iyo yoolkeena qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland iyadoo la adeegsanayo waxa loo yaqaan Diblamaasiyadda Baarlamaanka.” Ayuu sheegay.

Xildhibaanka ayaa qoraalkiisa raaciyey, “Diblomaasiyadda baarlamaanka waa hanaan muhiim u ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, taasoo Waaxda Sharci-dejinta iyo Fulinta ay wadaagaan mas’uuliyadda siyaasadda Arrim aha Dibadda.

 

Leave a Reply