Xildhibaan Wasaarada Caafimaadka ugu Baaqay Qalabaynta Cisbitaal Cusub

0
245

Hargeysa (Dawan):-Xildhibaan Xasan Cumar (Xasan Ogaal) oo ka mid ah Mudaneyaasha  Golaha Wakiilada ayaa ugu baaqay Wasaarada Caafimaadka in ay qalabayso Cisbitaal cusub oo laga hirgeliyay Degmada Macallin Haaruun ee  Caasimadda Hargeysa.

Xasan Cumar  ayaa  sheegay in baahi ay u qabeen dadweynaha Degmada Macalin Haaruun Cisbitaalka,isla,markaana loo baahanyahay in la bilaabo hawlihii Caafimaad  ee uu u qaban lahaa dadweynaha.

Xasan Ogaal oo Arimahaa ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Waxaan baaq u dirayaa Wasaarada Caafimaadka Dhakhtarka Bariga Hargeysa laga dhisay oo dhamaystiran in Wasaaraddu ay ku dhakhsato in dhakhtarkaas la bilaabo shaqadii uu u qaban lahaa dadweynaha madaama dadka halkaa deggen baahidooda loo dhisay,”.

Waxaa kale oo uu Xildhubaanku ka hadlay waddo loo samaynayo dhakhtarka cusub ee laga hirgeliyay degmada Macalin Haaruun ee caasimadda Hargeysa iyo cidda iska kaashanaysa samaynta wadadaaas,waxaanu yidhi.”Waxaa iska kaashan doona waddada dhakhtarkaas Dawlada Hoose ee Hargeysa gudida isxilqaan ee Xaafadda,sidaa daraadeed waxaan ugu baaqayaa dadka halkan degen in ay ka qayb qaataan dhismaha Wadada iyo dedaalka ay wadaan degmada Macalin Haaruun iyo gudida isxilqaan ee xaafadu.”.

 

Leave a Reply