Hargeysa (Dawan) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qaadhaan lacageed ka guddoomay Guddida Gaadiidleyda Tawakal ee isaga goosha Somaliland iyo Jabuuti.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa guddidaa Tawakal uga mahad celiyey qaadhaanka ay soo gaadhsiiyeen Guddida Abaaraha ee heer qaran islamarkaana ka guddoomay lacagtaasi oo dhammayd $5000.
Weli dalka waxa ka socda gurmadka abaaraha ee lagu taageerayo bulshada reer Miyiga ee Biyo la’aanta iyo baad la’aanta wajahaya, iyadoon weli aanay di’in roobabkii gugu.