Man United oo Warkii ugu Naxdinta Badnaa ka Heshay Suuqa Iibka Ciyaartoyda

0
250

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa heshay war aanay jeclaysan oo uga imanaya xiddiga reer England ee Marcus Rashford, kaas oo la sheegayo in uu doonayo inuu iskaga tago Old Trafford kaddib xilli ciyaareed adag oo uu lumiyey qaab ciyaareedkiisii.

24 jirkan oo uu tababare Ralf Rangnick kaydka u diray ayaa la rumaysan yahay inuu ka fikirayo mustaqbalkiisa oo uu qorshaynayo inuu iskaga tago kooxda uu da’yarteeda kasoo baxay.

Sida uu qoray wargeyska MEN ee kasoo baxa magaalada Manchester, kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si weyn u doonaysa laacibkan, waxaana usbuucyadii ugu dambeeyey ay usoo diraysay telefoono aan kala joogi lahayn oo ay ku doonayaan inay ku qanciyaan inuu ka hoos ciyaaro tababare Jurgen Klopp.

Qof ka ag dhow Marcus Rashford ayaa u sheegay wargeyska MEN: “Telefoonkiisa marnaba ma joojin dhicitaanka.” Cidda soo wacaysay telefoonka Marcus Rashford ayaa uu wargeysku sheegay inay tahay Liverpool oo caddaysay in ay doonayso in xiddigan England ay la saxeexato.

Waxa kale oo laacibkan lala xidhiidhinayaa kooxda reer Spain ee Barcelona iyo sidoo kale Paris Saint-Germain, hase yeeshee warka naxdinta ku ah Manchester United ayaa ah in Liverpool oo ay cadaawad ka dhaxayso uu ay gaca haadiso.

Liverpool iyo Manchester United ayaan wax ciyaartooyo ah u kala wareegin muddo 66 sannadood ah, waxaana ugu dambeeyey Phil Chisnall oo sannadkii 1964kii noqday xiddigii ugu dambeeyey ee Anfield iyo Old Trafford iskaga wareega.

Haddii uu Marcus Rashford u wareego Liverpool, waxa uu noqon doonaa ciyaartoygii ugu horreeyey ee muddo nus-qarni ka badan ay Liverpool kala soo wareegto Manchester United.

Rashford oo heshiiskiisa Manchester United uu ka hadhsan yahay hal sano, ayaa waxa kale oo ay Manchester United haysataa 12 bilood oo kale oo ay ku qandhin karto qandaraaskiisa sida uu dhigayay heshiiska ay kula jirto.

Xilli ciyaareedkan socda ayuu Rashford dhaliyey shan gool oo kaliya, waxaanu qaybtii hore ee xilli ciyaareedka ku maqnaa qalliin lagaga sameeyey garabka kaddib tartankii qaramada Yurub.

Leave a Reply