Isku Aadka Semi-final-ka Champions League oo la Sameeyay

0
299

Siddeedda kooxood ee iskugu soo hadhay tartanka Champions League ayay mid walba ogtahay dariiqa ay u marayso finalka, kaddib markii lasoo saaray isku-aadka wareegga siddeedda.

Jimcihii shalay ayaa uu soo baxay isku-aadku, waxaana isku beegmay labadii kooxood ee semi-finalka  xilli ciyaareedkii hore ku kulmay ee Chelsea iyo Real Madrid oo ay mid walba haysato xasuus u gaar ah. Madrid ayay u tahay xasuus aan fiicnayn, halka Chelsea ay u tahay jidkii ay xilli ciyaareedkii hore martay oo kale.

Kulamada wareegga siddeedda ayaa la ciyaari doonaa laba  toddobaad oo isku xiga, waxaana meesha ka baxaya waqti nasasho.

Salaasada iyo Arbacada ugu soo horreeya bisha dambe ee April ayay kulamada koowaad dhici doonaan, halka is-aragga xigana ay toddobaadka xiga ku kulmi doonaan kooxuhu.

Isku-aadka xilli ciyaareedkan ayaa ka farxiyay kooxaha Spain iyo England ee min saddexda ah oo dhamaantood la kala ilaaliyey, waxaana cajiib ah in aanu jirin sharci xakamaynayay in aanay isku dhicin balse nasiibkooda ayaa midba koox dal kale ah u geeyey.

Horyaalka Premier League ayay ugu jiraan saddexda kooxood ee Manchester City, Chelsea iyo Liverpool oo ah naadiyada loo badinayo inay ku guuleysan karayaan, waxaanay ku kala beegmeen Atletico Madrid, Real Madrid iyo Benfica.

Waa sidee xogta guulaha siddeeda kooxood ee qori-tuurka loo sameeyey

Real Madrid ayaa ah kooxda ugu guulaha badan guud ahaan qaaradda Yurub, waxaanay haysataa 13 koob oo afar ka mid ah ay ku guuleysatay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey. Carlo Ancelotti oo hoggaaminaya ayaa sanndkii 2014 u qaaday koobkan, waxaana saddex kale oo isku xigay raaciyey Zinedine Zidane sannadihihii 2016, 2017 iyo 2018.

Bayern Munich iyo Liverpool ayaa kusoo xiga oo min shan jeer ku guuleystay Champions League, halka Chelsea iyo Benfica ay min laba jeer haystaan.

Saddexda kooxood ee Manchester City, Villeal iyo Atletico Madrid waligood kuma aanay guuleysani, waxaanay taariikhdooda ka maqan koobkan.

Atletico Madrid saddex jeer ayay timid finalka, nasiibna uma aanay yeelan inay ku guuleysato, balse Manchester City ayaa sannadkii hore ay u ahayd markii koowaad ee taariikhda ay timaado finalka, waxaana koobka ka qaadday Chelsea. Villarreal iyadu waligeed ma imanin final.

Inta koob ee ay kala haystaan:

Real Madrid: 13

Bayern Munich: 6

Liverpool: 6

Chelsea: 2

Benfica: 2

Manchester City, Villarreal, Atletico Madrid: 0

Siddeedda kooxood ee iskugu soo hadhay

Chelsea vs. Real Madrid

Manchester City vs. Atletico Madrid

Villarreal vs. Bayern Munich

Benfica vs. Liverpool

Xilliyayada la ciyaarayo

April 5-6 iyo April 12-13

Leave a Reply