Wakiilka Jorginho oo Magacaabay Kooxda Sida Dhow ula Socota Xiddigan

0
338

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee Jorginho ayuu mustaqbalkiisa shaki ku jiraa, waxaana isasoo taraya wararka sheegaya inuu ka tegi doono kooxdaas kaddib markii

Tan iyo intii la xayiray hantida Roman Abramovich u taallay Britain, Chelsea ayaa gashay xaalad adag, waxaana laga joojiyey ilihii dhaqaaluhu kasoo gelayay intooda badan, taasina waxay ku keeni doontaa inay ciyaartoyda waaweyn iibiyaan.

Waxa kale oo intaa ku dheer, in ciyaartoyda  qandaraaskoodu dhamaadka ku dhow yahay aanay heshiisyada u cusboonaysiin karin, sidoo kalena aanay kuwa sannadku u hadhsan yahay ee uu ku jiro Jorginho aanay isku hubin inay sii haysan karayaan.

Jorginho oo ay da’diisu tahay 30 jir ayaa sida uu wakiilkiisu sheegay waxa  si dhow ula socota kooxda Talyaaniga ee Juventus oo doonaysa inay la saxeexato haddii ay Chelsea awoodi weydo inay qandaraas cusub ka saxeexo inta ka horreysa xagaaga.

Joao Santos oo u warramay wargeyska Talyaaniga kasoo baxa ee Calciomercatio ayaa yidhi: “Anigu lama hadal Juve, laakiin waxa aan ogahay inay xiisaynayaan Jorginho.

“Chelsea ayaanu kula jirnaa qandaraas soconaya illaa 2023, mana jiraan wax wada-xaajoodyo ah oo noo socda kooxda sababtoo ah suuqa iibka ciyaartoyda ayaa xidhan.”

Kubbad-sameeyaha reer Brazil ee u ciyaara xulka qaranka Talyaaniga ayaa lala xidhiidhiyey kooxo badan, waxaana xagaagii mar suuqa lasoo geliyey inay suurtogal tahay inuu tago Arsenal, hase yeeshee Barcelona iyo PSG ayaan iyaguna ka bixin hadal-haynta saxaafadda.

Chelsea xayiraadda laga saaray suuqa iibka ciyaartoyda iyo inay heshiisyada u kordhiyaan ciyaartoydeedu waxay ku abuurayaan xaalad adag, waxaana si xor ah uga tegi doona Cesar Azpilicueta, Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen oo heshiisyadoodu ku egyihiin bisha June.

Leave a Reply