Cristiano Ronaldo oo Go’aan ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man United

0
495

Cristiano Ronaldo ayaa damacsan inuu sii joogo Manchester United xilli ciyaareed kale, waxaana uu aaminsan yahay in madaxda kooxda ay magacaabi doonaan tababare heer caalami ah xagaagan, sida ay wararku sheegayaan.

Xiddiga reer Porygal ayaa ku dhibaatooday in uu caawiyo kooxda Man United kuwaas oo ku dhibaatoonaya in ay koobab u tartamaan xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ayaa dhankiisa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay isaga oo ah xiddiga ugu goolasha badan xilli ciyaareedkan 3 gool-na u dhaliyay kulankii ugu dambeeyay ee premier League

Man United ayaa bilaa koob ku dhamaysan doonta xilli ciyaareedkan kadib markii wareega 16-ka looga reebay champions League waxana la hadal hayay in uu isaga tagi doono kooxda xagaaga.

Laakiin sida laga soo xigtay wargayska AS, Ronaldo ayaa wali doonaya in uu sii joogo kooxda waxana uu go’aansaday in uu xilli ciyaareedka dambe si joogo kooxda Red Devils.

Leave a Reply