Burburka Shirkadu Waa Cashar Muhiim Ah!

0
347

Shirkadda Nokei waxa la asaasay sanadkii 1865 iyadoo taariikhdaasi fog ku lahayd suuqa ganacsi dunida, haddana shirkadda Microsoft ayaa iibsatay sanadkii 2014, taasi oo siisatay lacag dhan 5.44 bilyan oo Euro ah ama £ 4.61 Bilyan  ka dib markii ay is bixin weyday. Shirkiijaraa’id ee lagu baahinayay Iibka shirkadda NOKIA iyo inay la wareegtay shirkadda Microsoft  sanadkaasi  waxa ka hadlay maamulahii guud ee NOKIA Mr. Steve Ballmer kaasi oo khudbadiisa uu halkaasi ka jeediyay ku soo xidhay eraydan “We did not do anything wrong, but somehow, we lost”.  “ Ma jiraan wax khalad ah oo aan samaynay , haddana si ayuu khasaare noogu dhacay “. Erayadaasi ayaa dadkii maamulka kala shaqaynayay iyo isagaba ka oohiyay.

Waxa kale oo erayadiis ka mid ahaa “ Burburka Nokie waxay na baraysaa dhammaantayo cashar aad u qiimo badan”

NOKIE waxay ahayd shirkad weyn oo muxtram ah, wax khalad ahna kumay samayn gancsigeeda, laakiin haddana dunida ayaa si dhakhso ah oo cajiib ah isu bedeshay , taasi oo ka dhigtay tartamayaasheeda kuwo awood badan.

Shirkadda waxa ka maqnaa aqoontii iyo isbedelkii sidaa awgeed waxay weyday fursadii ay ku noqon lahayd shirkad cimlaaqa oo weyn. Maaha intaasi keliya waxaaba ay weyday fursadii ay ugu sii jir lahayd dunida technooljiyadda casriga ee isbedelka joogtada ah ku jirta. Haa waa sidaasi xaalku dunidu hadii aanad isbedelka la socon tartanka waad ka hadhaysaa, waana khaladka maamul ee burburiya shirkadaha ganacsiga.

 

 

Leave a Reply