“Diyaar ayaanu u nahay in aanu Shiinaha xidhiidh wanaagsan la yeelano”Ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

0
426

Washington DC (Dawan)  – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Shiinuhu aanu xaq ugu lahayn in uu Somaliland ugu cadhoodo xidhiidhka Taiwan, waxaanu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Shiinaha xidhiidh fiican la yeeshaan.

Madaxweynaha oo waraysi gaar ah siiyay idaacada VOA Somali, ayaa la waydiiyay in Shiinuhu uu wax yeelayn karo aqoonsi raadinta Somaliland, kadib cadhada uu ka qaaday xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland, madaxweynaha ayaa ku jawaabay in Shiinuhu aanu xaq u lahayn in uu Somaliland u cadhoodo.

Waxaanu yidhi.”Shiinuhu in uu anaga noo cadhoodo xaq nooguma laha, dal madax bannaan oo ciday doonaan xidhiidh la yeelanaya ayaanu nahay, hanoo cadhoodo haddii aanu isaga wax yeelay, balse haddii anaan waxbaba isyeelin cadhadaa gar uma arko”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay, in ay xidhiidh fiican la yeelato Shiinaha, si lamid ah sida Taiwan, waxaanu sheegay in uu rabo in xidhiidhka Shiinuhu uu wanaagsanaado.

Waxaanu yidhiu.”Diyaar ayaanu u nahay in aanu Shiinaha xidhiidh wanaagsan la yeelano, anagu Taiwan Jimciyada Quruumah ka dhaxaysa manaan gayn, haddii aanu anagu ictiraaf hayno aanaga is ictiraafi lahayn, Shiinuhu isna waa noo baahan yahay anana waanu u baahanahay, in uu xidhiidhkayagu wanaagsanaada waanu jecelnahay”

Waxa uu sheegay in anay Shiinaha u haynin wax dhibaato ah isagana ay sidaa si lamid ah ka rajaynayaan “Wax dhibaato ah uma hayno isagana sidaa si leeg ayaanu ka rajaynaynaa, sidaa aanu Taiwan ula xidhiidhnay ayuun baanu isagana in uu xidhiidhkayagu wanaagsanaado u jecelnahay”.

Xidhiidhka Somaliland iyo Shiinaha ayaa xumaaday kadib markii, ay Somaliland xidhiidh la yeelatay Taiwan oo uu Shiinuhu aaminsanyahay in ay tahay qayb dhulkiisa kamid ah.

Leave a Reply