Halista Aaminaadda Fikradaha Khaldan

0
474

Heesaagiii weynaa ee dalka Jamiaca u dhashay Bobe Marley oo kubad ciyaaraya sanadkii 1977 ayuu dhaawac ka soo gaadhay faraha lugihiisa. Waxaana lagu daweeyay dhakhtarka laakiin nabarkii laakiin haddana ma bogsan.

Markii xanuunkii ka tegi waayay oo fartii bogsan weydaya ayaa lagu sameeyay baadhis xoogan waxaana loo sheegay inuu yahay xanuunka hayaa kansarka maqaarka oo ku dhacay cidida hoosteeda. Dhakhaatiirtuna waxay u sheegeen in lagu dawayn karo iyadoo la gooyo goobta uu ku dhacay oo keliya.  Laakiin Bobe Marley oo aaminsanaa mad-habta Rastafari ee Kiristaanka oo ka soo horjeeda dawaynta noocaasi ah, taasi oo 1930 Jamaica ka hirgashay, iyadoo asalkeeduna Ethopia ka soo baxday calaamada ay caanka ku tahayna waa calanka Ethopia, waa uu diiday in dawadiisa sidaa lagu dhameeyo.

Nasiibdaro xanuunkii ayaa ku faafay jidhkiisa dhamaantiis waxaana uu dhintay 11 bishii May sanadkii 1981 isagoo 36 sano jiray.

Eraydii u danbeeyay ee uu ku yidhi wiilkiisa oo lagu magcaabo Seig waxay ahayd “Money does not buy a life “  lacagta nolol laguma iibsan karo.

Leave a Reply