Siyaasadda Wacyigelinta Qaranka oo lagu Daah-furay Madal Kulmisay Xukuumadda iyo Asxaabta Qaranka

0
209

Hargeysa(Dawan)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa daah-furay siyaasadda wacyigelinta qaranka kulan lagu qabtay Magaalada Hargeysa Salaasadii shalay ee 22/03/2022.

Kulankan waxa ka qaybgalay xubno kamida golaha Wasiirrada, Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta, agaasimeyaasha guud ee shaqada iyo arrimaha bulshada, xidhiidhka goleyaasha iyo Dastuurka, agaasime-waaxeedyada wasaaraddaasi iyo masuuliyiin ka socda asxaabta mucaaridka.

Agaasimeyaasha Waaxyaha wacyigelinta Cabdicasiis Maydhax iyo qorsheynta Deeq Aw Cali Yuusuf oo ugu horayn halkaasi ka hadlay, ayaa ka waramay marxaladihii ay soo martay diyaarinta siyaasaddan iyo ahmiyadda ay leedahay.

“Kulankan la tashiga siyaasadda Wacyigalinta Qaranku waa nuqulkii koowaad oo aynu wixii talo ah ku dari doono” ayuu yidhi Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee wasaarada warfaafinta Deeq Aw Cali Yuusuf

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa tilmaamay waxyaabaha ay siyaasaddani dabarka ka  noqonayso iyo faa’idooyinka qaranka ugu jira.

Agaasimuhu waxa kale oo uu mahad-naq u jeediyey waaxyaha isku-howlay diyaarinteeda  ee wasaaradda “Siyaasaddani waxay sar goyn doontaa oo ilaalin doontaa waxyaabaha ka hor imanaya diinta, dhaqanka iyo siyaasadda guud ee Qaranka”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta Caafimaadka  Liibaan Yuusuf oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey hirgalka siyaasaddan wacyigelinta qaranka, waxaanu tilmaamay in lagu qeexo qaababka ay u jahayn doonto bulshada.

Wasiir Liibaan ayaa yidhi “In siyaasad Wacyigalineed oo Qaran aynu yeelanaa waa mihiim waxaynu ku xadaynaynaa dhibaatooyinka bulsho ee jira.

“Wacyigalintu waa in aynu Qarankeena iyo umaddeena ku jihayno himilooyinka siyaasadeed,dhaqaale iyo bulsho ee aynu leenahay”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshda iyo agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka oo  hadalol ka jeediyey kulanka, ayaa sheegay in baahi wen loo qabo in la mideeyo wacyigelinta dawladda ee ku taxaluqda dhinacyada kala duwan “si wacyiga bulshada loo dhiso waa in la helo siyaasaddo lagu hago”ayuu yidhi Cabdirashiid Ibraahim agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada.

Xoghaya Biyaha ee Xisbiga UCID Eng. Cabdisalaan Muxumed Muuse, ayaa sheegay inay xisbi ahaan taageerayaan aasaaska siyaasaddan, kuna amaannay wasaaradda diyaarinteeda “Xisbi ahaan doorkan Wacyigalinta ee ay Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo wacyigalinta JSL soo diyaarisay waannu taageersanahay “

La-taliyaha Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga WADDANI Muniir Axmed Cigaala, ayaa dhankiisa tilmaamay  “ Siyaasadda Wacyigalinta Qaranku waxay noqon doontaa mid guud oo bulshada lagu wacyigaliyo, ka xisbi ahaanna waanu taageersanahay”

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo Wacyigalinta Cabdiraxmaan Cali Cabdi, ayaa dardaaran u jeediyey ka qaybgaleyaasha iyo daneeyayaasha siyaasaddan, waxaanu ku dheeraaday baahida loo qabo in la helo siyaasad midaysan. “Waa inaynu samaynaa iskaashi wada shaqayneed oo ku saabsan siyaasadda Wacyigalinta Qaranka, lana qeexo wasaarad iyo hay’ad kasta doorkii ay ka qaadan lahayd.

Waxaynu maanta u baahanahay siyaasad midaysan oo wacyigalineed”ayuu yidhi Wasiir Cabdiraxmaan Cali.

 

Leave a Reply