Wasiirka Gaadiidka oo soo kormeeray wadada Berbera Coridor Kalabaydh ilaa Wajaale

0
277

Wajaale(Dawan):-Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka  Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed  Ataash ayaa shalay soo kormeeray dhismaha waddada Berbera Coridor ee isku xidhaysa Kalabaydh illaa  Wajaale.

Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed  Ataash ayaa  sheegay in Waddada Berbera Coridor ay tahay kuwa ugu tayada fiican  ee laga dhiso adduunka,

Wasiirka oo ka hadlayay Arimahaa.Waxa uu yidhi”Ujeedada Socdaalkayagu0 waxa uu ahaa  in aanu kaantaroolno tayada Waddada,waxaanu qaranka u igmaday hawlaha iyo dhismaha ka socda wadadan  gudida  Berbera Coridor oo uu innagala joogo Eng Ciise Xamari.waddadani waa kuwa ugu tayada fiican ee la dhiso adduunka dhisaynka iyo nashqada lagu dhisayaa waa mid dhamaystiran,”.

Maayarka Magaalada Gabilay Maxamed Aamiin Cumar Cabdi  oo isna ka hadlay dhismaha waddada ayaa yidhi. Waxa ay ka mid tahay wadadani Waddooyinka ugu muhiimsan Somaliland,wadadan waa waddo aad iyo  aad tayo u leh waana guulaha qaranka maalinba maalinta ka dambaysa  ku tallaabsanayo.waana idiinka mahadcelinayaa Wasiir booqashadan aad ku timid,”.

Sidoo kale Mareeyaha Wakaalada Horumarinta Waddooyinka  Mawliid Nuux Ibraahim ayaa  sheegay qaybta wadada Saddexaad  ee wadada Berbera Coridor ay isku xidhi doonto Kalabaydh ilaa Wajaale.Waxaana uu yidhi”Qaybta koowaad waxa ay ka bilaamataa Haleeya ilaa Macaaneeye qaybta labaad waxa ay ka bilaamataa Macaaneeye ilaa Berbera.
qaybtan saddexaadna ee Wadada Berbera Coridor waxa ay ka bilaamataa Kalabaydh ilaa Wajaale,”.

Dhinaca kale Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo Guddoomiyaha Degmada Wajaale Cabdiraxmaan Yuusuf
ayaa xadhiga ka jaray Wado laga hirgaliyay  Magaalada Wajaale.

 

 

 

 

 

Leave a Reply