Cabsida iyo Guuldarada isku Lammaan

0
264

Deerada ayaa xawaaraha orodkeeda gaadhayaa saacadiiba qiyaas dhan 90 Mayl, halka Shabeelka uu isna xawaaraha ordokiisu yahay saacadii  58 Mayl. Inkasta oo ay sidaasi tahay oo aanay xawaare ahaan aad u kala dheereeyaan haddana shabeelku wuu qabta dareeda mar kasta oo uu eryado. Waa maxay sababta taasi u sahlaysa shabeelka?

Dareecadu waxay caadu u leedahay in marka ay aragto Shabeelka orod xawaarihiiisu sareeyo kaga baxsato. Iyadoo sidaasi uga dheeraynaysa ayay haddana aamisna tahay  inuu qabanayo oo aanay sinaba uga baxasn karin, sidaas darteedna waxay kolba soo eegta dhinaca danbe ee shabeelka, waxaana taasi ay soo yaraysa xawaaraha ordokeeda. Eegmadaasi joogtada ah ayaa soo koobta masaafadda xawaaraha u dhaxeeya labada xayawaan waana uu qabtaa marka danbe isagoo soo gaadha, waayo marna isagu xawaaraha ma dhimo iyaduna way joogtsata .

Haddii aanay soo jeesan way badbaadi lahayd, haday ogtahay sida shabeelku uga xoog badan yahay inay iyaduna  uga orod badan tahay way nabad geli lahayd.

Imisa goor ayaynu dib u eegayna waxaynu soo dhaafay kuwaasi oo cabsi inagu abuura in aynaan hore  usocon,. Imisa ayay cabsida beenta ahi inaga joojisaa guusha dhabta ah?

 

Leave a Reply