Waxay dariiqa sudhay warqad ay ku qortay “Waxa iga lumay 20 Dinaar , qofkii helaa ha ii keeno waxaan deganahay dabaqa iyo qolka No…waayo waxaan casho siisto mahaysto.!
Qof kastaa wuu akhriyaa waxaan uu yidha “ Allah ha usoo dhoweeyo”. Laakiin Qof ayaa markuu akhriyay dareenkiisu isbedely ka dibna wuxu u tegay islaantii qolkeeda isagoo sheeganaya inuu helay 20 Dinaar ee ka lumay si uu u siiyo.
Markii ay ka qaadatay ayay Islaantii oohin bilowday oo ku tidhi “ Wiilkaygiiyow aniga waxba igam lumin laakiin, waxaan la yaabay dareenkaaga” . Baahidda ayaan sheegan kari waayay. Imika warqadda ogaysiiska ah meesha ka jar. Waxayna tidhi “ Naxariistiinu waxay ii samaynaysa rajo, waxayna ii ogolaanaysa inaan dareemo quruxda dunida. Weliga qof baahan ha dhaafin adigoo qof ladan ah. Sidaas ayay dad badani u aamusan yihiin iyagoo baahan.