Hawl-wadeenadda Gobolada Bariga ee Maaliyadda oo Tababar loo Furay

0
346

 

Burco-(Dawan) Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa magaaladda Burco  tababar muhiim ah uga furtay saraakiil ka  kala socday  Xafiisyada Waaxda Cashuuraha Berriga ee Gobolada SANAAG, SOOL, TOGDHEER Iyo SAAXIL, kaas oo mudo laba maalmood ah halkaasi uga socon doona.

Saraakiishaas ayaa  lagu tababari doona  Barashada Shuruucda Cashuuraha Gudaha, Hogaansanaanta Cashuur-bixiyaha, xisaab celinta iyo Adeegsiga habka is-wada ee cashuur-bixinta.

Maamulaha Cashuuraha Berriga  ee Gobolka Togdheer Maxamed Muuse, Yuusuf Maxamed Xuseen oo ka socday Hay’ada OPM iyo Naasir Adan Maxamed, Agaasime ku xigeenka waaxda xidhiidhka Dadwaynaha ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, oo dhamaantood hadalo ka jeediyeen ayaa  saraakiisha tababarku u furmay ku guubaabiyey inay weeleeyaan oo ay ka faa’idaystaan aqoonta loo kordhiyey, isla markaana ay ku dabaqaan shaqada oo xafiisyadoodii kula noqdaan.

 

 

Leave a Reply