Roobabka Guga oo Somaliland ka Curtay

0
694

Hargeysa-(Dawan):- Roobabkii guga ayaa ka curtay deegaano kala duwan oo oo ka mid ah gobolada Somaliland, gobolada Gabilay,iyo Sanaag ayay roobabka gugu ka curteen.

Dorraad wuxuu ka da,ay deegaano ka tirsan gobolka Gabilay iyo deegaano xuduudka ka talawsan oo ka mid ah dhanka Itoobiya gaar ahaan deegaano ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaa kale oo uu dorraad ka curaty roobka gugu gobolka Sanaag  waxaanu helay deegaano ka tirsan buuralayda gobolka Sanaag.

Halka shalayna roob si wayn loogu diirsaday uu ka da,ay gobolka Sanaag deegaano ka tirsan oo ay ka mid tahay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Roobabka guga ayaa dalka ka curtay xilli biyo la,aan iyo abaar baahsani ay dalka ka jirto iyo guud ahaan  dalalka aynu deriska nahay ee geeska Afrika,waxaanay Somaliland ku jirtaa xaalad gurmad abaareed ah,iyadoo ay abaartu tabaalaysay dadka iyo xoolahaba isla markaana ay jiraan dad badan oo deegaano kala duwan oo aan ahayn Somaliland ka soo hayaamay oo ay abaartu soo guurto ka dhigtay.

Wali roobabka guga Ayaan ka wada hoorin gobolada dalka illaa imikana waxaa la ogyahay in gobolada Gabilay iyo Sanaag in uu ka hooray.

 

Leave a Reply