Tuulada yar ee hor joogsatay qorsheyaashii waaweynaa ee Putin

0
467

Waxay ka mid ahayd goobaha dagaalka ee ugu muhiimsan ilaa hadda – loollan adag oo laba maalmood socday ayaa loo galay sidii gacanta loogu dhigi lahaa magaalada beeraha leh ee Voznesensk iyo buundadeeda muhuumka u ah dagaalka.

Haddii guul laga soo hoyn lahaa waxay militeriga Ruushka u noqon lahayd waddo u fureysa in ay si xowli ah cagta u mariyaan deegaannada dhinaca galbeed ee ku teedsan xeebta Badda Madow ilaa magaalada weyn ee dekedda leh ee Odesa iyo waliba warshad aad u weyn oo nuclear-ka lagu farsameeyo.

Balse ciidamada Ukraine, oo gacan ka helaya dagaalyahanno maxalli ah oo is xilqaamay, ayaa hor istaagay qorsheyaashii Ruushka. Markii ugu horreysay waxay qarxiyeen buundadii loo soo mari lahaa, kaddibna waxay dib u riixeen ciidamadii Ruushka ee ku soo socday, kuwaas oo ay geeyeen masaafe dhan 100km oo dhinaca bariga ah.

“Way adag tahay in la sharraxo sida aan arrintaas ku samaynay. Waxaa sabab u ah dagaalka geesinnimada leh ee ay sameynayaan dadka deegaanka iyo militeriga Ukraine oo ay ka go’an tahay inay dagaallamaan,” ayuu yidhi duqa magaalada Voznesensk, Yevheni Velichko, oo 32 jir ah. Isaga qudhiisa, oo dharka qafilan ee ciidanka xidhnaa ayaa ku jira dagaalka.

Balse ku dhowaad saddex isbuuc kaddib dagaalkaas, duqa magaalada ayaa ka digay in uu ku soo dhow yahay weerar kale oo ay ciidamada Ruushka kusoo qaadayaan magaalada, ciidanka difaacayana aanay haysanin hub ku filan oo ay mar labaad ku baacsadaan.

“Meeshan aad bay istiraatiiji u tahay. Waxa aan difaaceynaa magaalada kaliya ma aha, balse waxaa kale oo aan difaaceynaa waa dhulka ka dambeeya, mana haysanno hubka culus ee ay cadawgeennu haystaan,” ayuu yidhi.

Maadaama ay furimo badan oo dagaalka Ukraine ka mid ah Britain u qaybisay gantaallada lidka taangiyada, waxay taas sababtay in jilibka loo dhigto gawaadhida gaashaaman ee Ciidamada Ruushka ay ku soo weerareen magaalada Voznesensk, waxaana halkaas hadda qashin ahaan u yaalla ilaa 30 taangi, gawaadhida gaashaaman iyo xitaa diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah.

“Taas sababteeda waxaa iska leh oo kaliya hubkaas noo suurtageliyay inaan ka adkaanno cadawgeenna. Waxaana uga mahad celineynaa saaxiibbadeen caawinaadda ay na siiyey. Balse wax dheeraad ah ayaan u baahan nahay. Kolonyada cadowgu way soo socdaan wali,” ayuu yidhi Mr Velichko.

Muhiimadda dagaal ee ay leedahay magaalada Voznesensk waxay caddaatay durbadiiba kaddib markii ciidamada Ruushka ay ku guul darreysteen in ay qabsadaan buundo taas kasii weyn, oo dhanka koonfureed xigta, taas oo dul marta wabiga ugu weyn Ukraine ee lagu magacaabo Southern Buh.

Maanta, Voznesensk ma aha magaalo reer aakhiraad oo ay si joogto ah uga yeedhaan dhawaaqyada digniinta weerarrada xagga cirka. Balse kumannaan qof ayaa isbuucyadii ugu dambeeyay ka qaxay iyaga oo adeegsanaya tareenno ama gawaadhidooda ku maraya waddooyinka burburay.

In badan oo ka mid ah dadka go’aansaday in ay joogaan waxay wali u muuqdaan in ay diyaar u yihiin in ay ka hadlaan guushooda taariikhiga ah.

“Wuxuu ahaa dadaal wada jir ah oo ay sameysay magaalada oo idil,” ayuu yidhi Alexander, oo ah dukaanle maxalli ah, oo muuqaal iska duubay isaga oo furinta dagaalka jooga oo ku hubeysan qori AK47 ah, xilli uu ku qaylinayay “Soo socda gabdhaheyga quruxda badan!” markaas oo qof kale oo dadka is xilqaamay ah uu ridayay gantaal ku wajahnaa goobaha ay joogeen ciidamada Ruushka.

“Waxaan isticmaalnay qoryaha ugaadhsiga, dadku waxay tuurayeen dhagaxyada bulukeetiga ah iyo dhalooyin. Dumar waayeel ah ayaa carro ka buuxinayay jawaanno, si dhufeys looga dhigto.

“Ciidamada Ruushku ma aanay garaneynin meel ay iska fiiriyaan iyo meesha uu uga imaanayo weerarka xiga. Waligay ma arkin bulshada oo sidaas u mideysan,” ayuu yidhi, isaga oo taagan meel ka mid ah buundada ay ciidamada Ukraine saacado gudahood ku burburiyeen markii uu billowday weerarka Ruushka.

Raadka taangiyada faraha badan ee Ruushka ayaa lagu arkayaa daaradda Svetlana Nikolaevna ee gurigeeda ku yaalla xaafadda Rakove, oo xigta cidhifka koonfureed ee magaalada Voznesensk, halkaas oo dagaalka ugu culus uu ka dhacay.

Waxaa goobtaas yaalla faashado dhiig leh iyo kartoomada ay raashinka ku wateen ciidamada Ruushka. Haweeneydan 59 jirka ah waxay farta ku fiiqday mundulka ninkeeda, iyada oo sharraxyesa sida laba askari oo reer Ukraine ah halkaas loogu hayay, markii la dili rabayna ay ku badbaadeen dagaalka soo gaadhay goobtaas.

“Fiiri dhiigga ku yaalla albaabkeyga,” ayay tidhi, iyada oo dadka soo booqday ku soo dhaweyneysa mundulkeeda.

“Si deg deg ah ayay ku baxeen, hal habeen. Wax walba way ka tageen – kabo buudh ah, sharabaaddo, qalabka jirka lagu qafilo, koofiyadaha badbaadada – kaliya waxay gawaadhida saarteen meydadkooda iyo dhaawacyadooda, wayna carareen.”

Waxay howsha ku wareegtay agaasimaha aaska ee magaalada, Mykhailo Sokurenko, oo markaas billaabay aruurinta meydadka askarta Ruushka ee laga tagay.

 

Leave a Reply