Xukuumadda Somaliland oo Jawaab Cad ka Bixisay Hadalkii Sheekh Aadan Sunne

0
580

Hargeysa-(Dawan):- Xukuumadda Somaliland,ayaa jawaab cad ka bixisay hadal ka soo yeedhay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan sunne)  oo Somaliland ku eedeeyay in laga dhex faafiyo dii naan ahayn diinta Islaamka.

Sheekh Aadan Sunne oo dhawaan dalka ka guuray isla markaana ku biiray kooxda Al-Shabaab,ayaa eedo xaqiiqadooda aanu caddeyn, isla markaana, bulshada Somaliland ee Islaamka ah qadaf ku ah ku sheegay in Somaliland lagu dhex faafiyo diinta kiristaanka isla markaana ay ka furan yihiin kaniisado sida uu ku sheegay waraysi usbuucan siiyay idaacada BBC-Somali.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen Cali (Albaani) oo ka jawaabay hadalka ka soo yeedhay Sheekh Aadan Sunne,ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin eedaha uu warbaahinta ka sheegay isla markaana diinta keliya ee Somaliland sharciyan lagu dhigan karo, faafin karo, lagagana dhaqmi karo gudaha dalkana, isla markaana Dastuurka Somaliland lagu caddeeyey inay tahay Diinta Islaamka oo keliya.

Waxaa kale oo uu ka hadlay isla markaana uu beeniyay in dugsiga Abaarso wax ka baxsan diinta Islaamka  oo diin ah in lagu faafiyo ama ardayda lagu baro.

Waxaanu sidaa ka sheegay Wasiir Sheekh Albaani mar ay booaqsho  ku tageen xubno Wasiiro ah dugsiga Abaarso oo ay kaga qayb galeen munaasibad loo sameeyay mid ka mid ah macalimiimta ajaanibka ah ee dugsigaa ka hawl gala oo Diinta Islaamka qaatay.

Xubnaha wasiirada oo kala ahaa Wasiirka Diinta, Sheekh Cabdirisaaq Albaani, Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Mudane. Axmed Maxamed Diiriye, (Axmed Toorno), Wasiir-xigeenka Waxbarashada Cabdixakiin Siciid, iyo Culimo ka tirsan Wasaaradda Diinta oo booqasho kedis ah ku tegay Dugsiga Abaarso, ayaa sheegay inay wax wanaagsan kala kulmeen booqashadooda, isla markaana ku arkeen arday si wanaagsan tarbiyada Islaamka loogu dhigo, ardayduna xilliyada jimicsiga iyo ciyaaraha wiilasha  iyo hablahu goobo kala duwan u leeyahiin, salaadaha-na ku ooga masaajid dugsiga ku yaalla, illaa salaada Jimcaha.

Sheekh Albaani oo la weydiiyey warar lagu sheego in dhaqamo kale lagu faafiyo iyo diimo kale sida Kiristaan laga wado, ayaa sheegay inaanay wax muujinaya eedahaa ku soo arkin booqashadooda Kediska ah, waxaanu  Wasiir Sheekh Albaani oo ka jawaabaya, yidhi,

“Ardayda waanu wareysannay, oo weydiinay ‘Diinta Islaamka, diin aan ahayn miyaa la idiinku dhigaa’ Maya, ayey yidhaahdeen. Tarbiyad kale, oon ta islaamka ahayn oo la idiin dhigaa miyey jirtaa?, ayaan weydiinay, maya, ayey ku jawaabeen.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey,

“Been fakatay, runi ma gaadho ayaa la yidhe, ALLE SW wuxuu inna amray “Markaad hadlaysaan Cadaalad sameeya” Wixii aanu ku aragnay ayaanu sheegaynaa. Xitaa hannaanka ciyaaraha hablaha iyo wiilasha ayaanu weydiinay?, goobo kala duwan ayey leeyahiin.”

Wasiirka Diinta Sheekh Albaani oo ka hadlayey booqashada ay ku tageen dugsiga Abaarso ayaa sheegay inay socdaal kedis ah ku tageen oo  hadafkiisu ahaa “ogaanshaha ardaydu waxa ay bartaan, gaar ahaan tarbiyada islaamka, dhinaca barashada Quraanka Kariimka, Salaadaha iyo salaada Jimcaha inay tukadaan? Tartankii Quraanka ee Dugsiga Abaarso lagu qabtay, inaan xaqiijiyo? Dhamaan xog-raadiskaa wax fiican oo nayaayir leh ayaa iiga muuqday, ardaydu, gaar ahaan habluhu way xijaaban yihiin, arday aanu Quraanka weydiinay, si wanaagsan ayey u akhriyeen.

 

Guud ahaan dalka Somaliland diintiisu waa Islaam diin aan ahayn ta diinta Islaamkana laguma faafin karo laguma dhigi karo lagumana baran karo, Somaliland waa dal Muslim ah oo wax kasta oo Diinteena Suubban ee Islaamka ka hor imanayana waa mamnuuc mana bannaana.”

 

Leave a Reply