Cisbitaalka Gabiley oo Fuliyay Adeeg Qalliin oo lacag la’aan ah

0
426

Gabiley (DAWAN): Cisbitaalka guud ee magaaladda Gabiley ayaa markii u horraysay fuliyay adeeg qalliin oo lacag la,aan ah oo ah qaliinnada guud oo loo sameeyay 30 qof oo bukaan ah.

Sodonkaasi qof oo qaliinno kala duwan oo lacag la’aan ah loogu fuliyay cusbitaalka Gabiley ayaa noqonaya sodonkii qof ee u horreeyay oo qaliinno guud oo noocaasi ah loogu adeego  .

Qaliimadda noocan ee uu fuliyay cusbitaalka guud ee Gabiley waxaa ka qayb qaadanayay dhakhaatiir ajaanib, iyo sidoo kale dhakhaatiirta iyo shaqaalaha ka hawl-galla cusbitaalka Gabiley.

Munaasibad loo sameeyay 30-kaasi qof ee bukaanka ahaa ee qaliinno kala duwan ee lacag la’aanta ah lagu fuliyay ayaa  lagu qabtay gudaha cisbitaalka guud ee magaaladda Gabiley.

Munaasibad lagu dhiiri gelinayay dhakhaatiirtii iyo kal-kaaliyeyaashii caafimaad ee qaliimadaasi fulinayay ayaa shalay lagu qabtay hoolka cisbitaalka guud ee Gabiley.

Waxaana goob joog ka ahaa Badhasaab ku-xigeenka gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi (Cali Case), maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi, agaasimaha cusbitaalka Gabiley Dr. Naciima Yuusuf Cilmi.

Dr. Maamuush, oo ah dhakhtarka fulinayay qaliinadaasi, bahda caafimaadka ee gobolka Gabiley, shaqaalaha cisbitaalkaasi, iyo isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Gabiley. Sidoo kale waxaa madashaasi joogay sodonka qof ee bukaanka ah ee qaliimadaasi bilaashka ah loo fuliyay.

Agaasimaha cusbitaalka Gabiley Dr. Naciima Yuusuf Cilmi, ayaa ka warbixisay qaliinadaasi ay fuliyeen ee lacag la’aanta ah waxaanay sheegtay in ay tahay markii u horaysay oo cusbitaalka Gabiley uu sameeyo qaliinno heerkaasi ah.

“Gabiley, markii ugu horraysay weeye, ee qaliinnada guud laga fuliyo. Qaliinka hadday ugu yar tahay Qabsinka, Hargaysa ayaynu u gudbin jirnay. Maanta (shalay) waxaanu maraynaa in aanu soddonkii qof ee ugu horreeyay, uu cisbitaalka spencer gareeyo, oo gacantiisa uu ku fuliyo, ay maanta (shalay) halkan joogaan” ayay tidhi Dr. Naciima.

Agaasime Naciima, waxa kaloo ay ka warbixisay sababta ay xafladda ugu qabteen 30-ka qof ee ay qaliimadda lacag la’aanta ah u sameeyeen.

Waxaanay tidhi, “Sababta aanu maanta (shalay) halkan xafladda ugu qabanayna waxa weeye, waxaa jira kumaan kun qof oo kale oo u baahan qaliinno lacag la’aan ah in ay helaan. In ay tani daah-fur ama Ibo-fur u noqoto, sidii hawshan oo kale aynu uga dhigi lahayn, mid joogto ah” ayay tidhi Dr. Naciima Yuusuf Cilmi.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah bukaanadii qaliinadda kala duwan loo sameeyay oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu hanbalyeeyay maamulka, iyo dhakhaatiirta iyo shaqaalaha cusbitaalka Gabiley.

Waxaanay bukaanadii halkaas ka hadlay sheegeen in markii hore qaliinadda noocaas ah oo loo tegi jiray meello kale ay aad ugu faraxsan yihiin in ay ka helaan cusbitaalka Gabile

 

Leave a Reply