Wasaaradda waxbarashada oo soo xidhay Mashruuc ku Dhawaad 6 sano socday

0
422

Hargeysa (Dawan) Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, mudane Cabdixakiin Siciid Bustaale, ayaa magaalada Burco, ee xarunta gobolka Togdheer, ku xidhay mashruuc shanti sannadood ee u danbeeyay ay waday hay’adda Care International, kaas oo ahaa mid lagu dhirigelinayay waxbarashada hablaha.

Waxaana goobtii munaasibada xidhitaanka mashruucani ka dhacday lagu soo bandhigay guulaha  waa weyn ee laga gaadhay dhanka geedi socodka waxbarashada ee hablaha.

Ugu danbayn waxa goobtaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyay masuuliyiintii kala duwana ee ka soo shaqeeyay mashruucani muddadii uu socday.

 

Leave a Reply