Dunida Waa La Isku Dul Nool Yahay!

0
475

Gobolka Catalonia, oo ku yaalla waqooyi bari ee Spain, waxaa loo yaqaanaa xeebaha caanka ah ee Costa Brava iyo buuraha Pyrenees. Caasimadda gobolkaasi ayaa ah Barcelona,

Deegaankan Catolnoa ballac dhulkiisu waa 32108 km2 , dadka ku nool ayaa dhan 7523 Milyan, waxaana ay haystaan xukun hoosaad. luqaada ay ku hadlaan wa afka Catlonia kuma hadlaan luqadda Spanishka.

Sababaha keenay inay catolinya doonayaan inay noqdaan dal madax banaan waxa ka mid iyagoo aad uga cadhaysan sidii uu ula dhaqmay janaraalkii Spain xukumayay Gen.Faran 1939- 1975, kaasi oo gacan bir ah ku hayay deegaanadaasi.

Laakiin sanadkii 1978 ayaa la siiyay xukun hoosaad mase ahayn mid ay weli ku qanceen.Ka sakow cadaadiska Cataloniya waxa mandaqad dhaqaalaheedu sareeyo iyadoo wershadaha iyo waxa soo saarkeedu badana yahay awgeed. Sanadkii 2014  dakhliga guud ee debedda ka soo galay ayaa gaadhay 200 bilion oo Euro ah, sanad kasta dakhligu dalku wuxu kordhaa 3%.

Waxa soo saarka gudaha ayaa sareeya (GDP), badeecadaha ay debedda u dhoofiso ayaa sanad kasta ka sii badan ka hore.   Sidaasi darted shacabka Cataloniya waxau ku doodayaan in lacagta ka soo xeroota iibka alaabooyinkooda ay ku dhacdo khasnadda dhexe ee Spain taasi oo aanay waxba ka faa’idin. Dhaqaalaha Catoliya wuxu qiyaas ahaan la mid yahay kan dalka Borqtiqiiska.  Waana bulsho ku doodaysa inay u baahan tahay inay noqdaan dawlad ka madax banaan Spain madaama aanay dhaqan iyo luqad ahaanba ka duwan yihiin dalka Spain. Bishan October oo la doonayay in la qabto afti dadweyne oo laga qaado waxa is hortaagay oo diiday dawladda dhexe Spain. Dunida weli waa la isku dul nool yahay.

 

Leave a Reply