UEFA oo Shaacisay Isbeddello Cusub oo Lagu Samaynayo Tartanka Champions League

0
228

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey in isbeddello lagu samaynayo tartanka Champions League, hase yeeshee waxa uu meesha ka saaray hindise lasoo jeediyey oo dhigayay in loo ogolaado in kooxaha waaweyn ay si toos ah uga soo qayb-galaan iyadoon lagu xidhin halka ay kaga dhamaystaan horyaallada dalalkooda.

Qodobkan oo haddii ay UEFA ogolaan lahayd u ekaysiin lahayd Champions League sida tartankii fashilmay ee European Super League  ee ay kooxaha waaweyn ee Yurub sannadkii hore la yimaaddaan, ayaa waxa kale oo ay UEFA sheegtay in la ballaadhinayo tirada kooxaha ka qayb-gelaya tartankan.

Champions League oo caadiyan ay ka qayb-galaan 32 kooxood wareeggiisa hore ee group-yada, ayaa lagu soo kordhin doonaa afar naadi oo kale tas oo tirada kooxaha ka qayb-gelaya ka dhigi doonta 36 kooxood.

Arrinta maalmihii ugu dambeeyey uu dabada ka riixayay ururka naadiyada Yurub ee ahayd in kooxaha waaweyn ee  kaalmaha shanaad ama lixaad ka gala horyaalladooda in lagu soo daro Champions League ayaa ahayd hadal-haynta ugu badan ee ay UEFA maanta meesha ka saartay.

Laakiin wargeyska The Times ayaa qoray, in wali ay UEFA k fiirsanayso in laba naadi ay soo galaan tartanka, maadaama 36ka kooxood aanay tiro ahaan waafaqayn qaabka uu u shaqeeyo tartanku oo marka la gaadho wareegga siddeedda ay 9 kooxood soo hadhi doonaan halka marka 32ka kooxood ay yihiina ay 8 kooxood wareegga siddeedda yimaaddaan.

Leave a Reply