Siddeeda Xiddig ee Barcelona Laga Xaraashayo & Kuwa Bedelkooda u Imanaya Camp Nou

0
368

Kooxda Barcelona ayaa isku dayi doonta inay siddeed ciyaaryahan kooxdeeda ka dirto si ay u yarayso mushaharaadka ay bixiso oo boosna ugu banayso saxeexyada cusub ee ay xagaaga samayn doonto.

Barcelona ayaa haatanba sii qorshaynaysa xilli ciyaareedka dambe iyaga oo saxeexyadii ay samayn lahaayeen xagaaga qaarkood haddaba sii dhammaystiray.

Sida lagu sheegayo wargeyska AS, siddeeda xiddig ee ay bixitaankooda Blaugrana albaabada u furtay ayaa kala ah Neto, Sergi Roberto, Clement Lenglet, Samuel Umtiti, Oscar Mingueza, Riqui Puig, Martin Braithwaite iyo Luuk De Jong.

Barca ayaa doonaysay inay kordhiso heshiiska Sergi Roberto oo xagaaga dhacaya balse wadahadalada ayaa meel is-mari waa ah gaadhay taas oo hubaanti la’aan ka dhigtay mustaqbalkiisa Camp Nou.

Tababare Xavi Hernandez ayaa doonaya inuu safkiisa soo xoojiyo suuqa xagaaga balse marka hore ay tahay inuu meesha ka saaro xiddigaha uusan u baahnayn.

Xiddigaha Camp Nou ka degi kara ayay kamid yihiin labada daafac ee Chelsea ee Cesar Azpilicueta iyo Andreas Christensen oo isagu heshiis lasii gaadhayba.

Barca ayaa sidoo kale meel saartay saxeexa khadka dhexe ee AC Milan ee Franck Kessie oo bilaash ugu imanaya halka ay heshiiska shaqsiga ah la gaadheen garabka Leeds United ee Raphinha.

Hoggaamiyaha Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ah xiddig kale oo ay saxeexiisa isku dayi karto Barcelona xilli aan wax horumar ah laga samayn kordhinta heshiiskiisa Reds ee 2023 dhacaya.

Leave a Reply