Wasiirka Jidadka oo si Rasmiya iskaga casilay xilkii wasiirnimo

0
234

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash, ayaa si rasmi ah isaga Casilay xilkii wasiirnimo ee uu xukuumadda JSL ka hayay, waxaanu Iscasilaadiisa u gudbiyey Madaxweynaha JSL.

Sida ay Ilo wareedyo rasmi ahi u xaqiijiyeen Wakaalladda wararka Somaliland ee SOLNA Wasiirkii wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash ayaa is Casilaadiisa u gudbiyey Maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, Warku wuxuu intaas ku darayaa in Madaxweynaha JSL uu ka aqbalay is tiqaalada Wasiirkaas u soo gudbiyey, Wuxuuna Madaxweynuhu uga mahadnaqay Mudadii uu Qarankiisa u soo shaqaynayay.

Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash ayaa la filayaa inuu beri oo Khamiis ah magaalada Hargeysa kaga dhawaaqo Urur Siyaasadeed cusub oo la yidhaa Waaberi.

Leave a Reply